Iran oo Labo Maraakiibteeda Dagaalka ah u Dirtay Saldanada Cumaan

Cuman 13. June 2017 (SDN/QJ):- Jamhuuriyada Iran ayaa ku dhawaaqday in ay labo maraakiibteeda Dagaalka ah u dirtay Dhanka Saldanada Cumaan, sidaana waxaa lagu sheegay Bayaan ay soo saartay waaxda xidhiidhka guud ee Ciidamada Dalka Iran oo ay baahisay wakaalada wararka ee Routers.

Bayaanka waxaa lagu sheegay in labadaa Markab ay ka ambaxaeen Iran iyagoo gaadhaya Saldanada Cumaan, ka dibna uga sii gudbaya xeebaha waqooyi ee badweynta Hindiya iyo Gacanka cadmeed.