|

Is Faham Dhex Maray Ganacsatada Qaadka Keena Muqdisho & Wasaaradda Maaliyadda ee Dawlada Federaalka ah

Muqdisho 24. April 2017 (SDN/QJ):- Ganacsatada Qaadka Muqdisho ayaa dib u bilaabay iney qaadkooda kala soo dagaan garoonka Aadan cadde ee magaalada Muqdisho ka dib markii ay heshiis la gaareen Wasaarada Maaliyada Somalia.

Qaar ka mid ah ganacsatada Qaadka ayaa sheegay in isfaham laga gaaray murankii dhinaca canshuuraha ee dhexmaray dowladda iyo ganacsatada Qaadka kaasoo keenay iney joojiyaan qaadkii ay kala soo degi jireen garoonka Aadan cadde.

 

Canshuurta Qaadka ayay sheegeen ganacsatadu in lagu celiyey sidii hore, waxaana marduufka qaadka lagu canshuurayaa lacag dhan 43,000 kun Shso ah, waxayna xuseen in meesha laga saaray lacagtii 10,000 kun ee Shso aheyd ee Wasaaradda Maaliyadu ku kordhisay canshuurta.

 

Todobaadkii hore dhamaadkiisii ayey aheyd markii ganacsatada Qaadka Muqdisho ay ka gadoodeen iney wax kala soo degaan garoonka Aadan cadde, ayna dayuuradihii Qaadka u wareejiyeen Garoonka Dayuuradaha Jowhar oo qiyaastii 100-km u jira Muqdisho, iyagoo ka carooday canshuuraha lagu kordhiyey oo hadda meesha laga saaray.

Comments are closed