|

Muslimiinta ku nool Dunida oo Cadho weyn ka muujiyay fal ay ku kacday Gabadh Weriye ah DAAWO

Hargaysa 30.October 2016 (SDN/QJ):-Muslimiinta ku nool aduunka ayaa Cadho weyn ka muujiyey islamarkaana ku tilmaamay wax aan la aqbali karin fal ay ku kacday gabar Muslim oo Weriye caan ka ah dalka Mareykanka ka dib markii ay gabadhaas ayada oo Xijaaban ay ka soo muuqatey Wargeys ku caan baxay anshaxa xumada iyo qaawanaanta Dumarka.

noor-tagouriGabadhaan oo lagu magacaabo Noor Tagouri oo 22 sano jir ah oo heysata dhalasho dalkaas Mareykanka ah laakiinse asal ahaan ka soo jeedo dalkaas Liibiya islamarkaana ka mid weriyayaasha caanka ee dalkaas Mareykanka ayaa waxaa ay ka careysiisay qaar badan oo ka mid ah Shacabka ku nool wadamada Islaamka ka dib markii ay ka soo muuqatey wargeyska lagu magacaabo Playboy cadadkiisii bishaan Oktoobar, Wergeyskaan Playboy oo ah mid ka caan baxay sawirada anshax xumada ee dumarka qaaqaawan ayaa gabadhaan Muslimada ah waxaa ay sawiradeedu ay ku soo baxeen wargeyskaas iyada oo Xijaaban islamarkaana ku labisan dharkeeda caadiga ah laakiin arintaas ayaa waxaa ka carooday dad badan oo Muslimiin ah oo u arkay falka ay ku kacday gabadhaas mid meel ku dhac ku ah diinta Islaamka.

 

Ugu dambeyntiina iyadoo falkaas ay ku kacday gabadhaasi uu yahay mid ay ka caroodeen Muslimiin badan ayaa gabadhaasi waxay difaacday falkeedaas oo ay ku tilmaantey mid ay ku dhiirigalineyso haweenka Musslimiinta inay gaari karaan hadafkooda oo ayna ka baqin waxa ay hiigsanaayaan, Gabadhaan oo ilaa iyo intii ay soo shaac baxday inay falkaas sameynayso ay la kulmeysay hanjabaadyo uga imaanaayo dadka Muslimiinta ayaan arintaas waxba ka soo qaadin, Qaar badan oo ka mid ah shacabka Muslimiinta oo ka carooday falka gabadhaas ayaa waxay shaki weyn galiyeen Muslinimada gabadhaas ayagoona ku doodaya inay meel uga dhacday diinta islaamka iyo waliba sharafta dumarka Muslimiinta ee Xijaaban, Gabadhaan oo hada ka Howlgasha warbaahin Newsy ee dalkaas Mareykanka ayaa waxay horey uga soo howlgshay warbaahino kale oo ay ka mid yihiin telefishinka ABC 7 ee dalkaas Mareykanka.

Comments are closed