|

Isku-shaandhayn uu maanta sameeyay Muuse Biixi

Hargeysa. 23 November, 2022. (QJ)- Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Somaliland ayaa maanta sameeyay isku shaandhayn uu ku sameeyay Golahiisa Wasiirada iyadoo uu cadhiyay masuuliyiin minbarka u taagnaa in ay difaacaan.

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis.
1. Ku: Xasan Axmed Aadan
Xeer-ilaaliyihii Guud ee Qaranka
Mudane,
Laga bilaabo taariikhda maanta waxaan go’aansaday in aan kaa-nasiyo xilkii Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka. Sidaa darteed, waxaan kaaga mahad-celinayaa dedaalkii iyo hawlkarnimadii aad muujisay muddadii aad haysay xilka Qaranka. Waxa aan kuu rajaynayaa caafimaad taam ah iyo mustaqbal wacan.
2. Ku: Cabdillaahi Cabdiraxmaan Aare
Wasiirkii Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha JSL.
Mudane
Laga bilaabo taariikhda maanta waxaan go’aansaday in aan kaa-nasiyo xilkii Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Jamhuuriyadda Somaliland. Sidaa darteed, waxaan kaaga mahad-celinayaa dedaalkii iyo hawlkarnimadii aad muujisay muddadii aad haysay xilka Qaranka
Ujeeddo: Magacaabid
Wareegto Madaxweyne
Magacaabid
Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markaan Arkay: Aqoontiisa/Aqoonteeda/Kartidiisa/Kartideeda iyo Waayo Aragnimadiisa/Waaya-aragnimadeeda;
Markaan ku Qancay: Inuu Hannan karo/In ay Hannan Karto Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi;
Waxaan Go’aamiyey;
1. In Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan Hoorri laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
2. In Aamina Cilmi Fariid Badeed laga bilaabo taariikhda maanta ay ahaato Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Comments are closed