|

Wasiir isagoo mucaaradka u jawaabaya xilka laga qaaday Somaliland

Hargeysa. 23 November, 2022. (QJ)- Wasiirkii Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Somaliland ayaa maanta xilka laga qaaday iyadoo uu eryay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Somaliland.

Cabdillaahi Cabdiraxmaan Aare ayaa mucaaradka Somaliland dhaliilo iyo hadalo aan loo meel dayin ku durayay marka xilka laga qaaday iyadoo uu hadalayo ayayna soo baxday dikreetada lagu caydhiyay.

Arintan dadka reer Somaliland si wayn ugu hadal hayeen baraha bulshada waxayna muujinaysaa cadaadisyada saaran masuuliyiinta xukuumadda si ay u difaacaan xukuumadda wakhtigeedu dhamaaday isla markaana ay mcuaaradka hadalo deel qaaf ah ugu duraan.

Somaliland waxa caan ka ah in masuuliyiintu ay si indho la’aan ah u difaacaan xukuumadda iyaga oo aanay shaqadooda ahayn.

Comments are closed