Itoobiya ayaa ka hortimi qorshaha Dawlada ee ciidamad AUSSOM

Addis Ababa (QJ) – Itoobiya ayaa diiday qoondada ay dowladda Federaalka Soomaaliya u qorsheysay howlgalka Midowga Afrika iyo goobihii ay ka howlgali lahaayeen ciidamada Itoobiya.

Dowladda Soomaaliya ayaa damacsaneyd in saldhigyada ciidamada Itoobiya lagu wareejiyo ciidamo ka socda Uganda. Itoobiya ayaa wafdi u dirtay Uganda, iyadoo ka codsatay Uganda inaysan aqbalin in ciidamada Itoobiya la bedelo. Uganda iyo Itoobiya ayaa la sheegay inay ku heshiiyeen qorshahan.

Sidoo kale, Itoobiya ayaa ku cadaadisay madaxda dowlad goboleedka Koonfur Galbeed inaysan aqbalin ka bixitaanka ciidamada Itoobiya ee Baydhabo iyo Xudur. Ma cadda go’aanka maamulka Koonfur Galbeed ee arrintan ku saabsan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Kampala u tagay sidii uu Madaxweyne Museveni ugu qancin lahaa in dalka Uganda la keeno ciidamo ka socda dalka Uganda oo badala ciidamada Itoobiya ee ku sugan Gedo, Bay iyo Bakool. Si kastaba ha ahaatee, wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha Uganda uu diiday soo jeedinta.

Hawlgalkan ayaa lagu tilmaamay midkii ugu adkaa, waxaana jirta cabsi laga qabo in dhaqaalihii la siin jiray ciidamada Midowga Afrika uu dhamaado, waxaana qayb ka ah in madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump uu joojiyay taageeradii dhaqaale ee uu siin jiray dalalka Afrika.