|

Jamaal Cali Xuseen Oo Bogaadiyay Go’aankii Golaha Wakiilladu Ku Laaleen Wareejinta Haamaha Shidaalka DAAWO

Hargaysa 30.Aug 2015 (SDN/QJ)-Musharaxa Madaxweynaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa soo dhaweeyay go’aankii ay maanta Xildhibaanada Golaha Wakiillada Somaliland ku laaleen qorshihii ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku doonaysay inay shirkaddaha shidaalka ku wareejiso haamaha shidaalka Berbera.
Jamaal-CALI-XuseenJamaaal Cali Xuseen oo qoraal uu arrintan kaga hadlayo ku baahiyay barta uu ku leeyahay FACEBOOK.
“Golaha Wakiiladu toban sano inkabadan oo ay kuraasta fadhiyeen waa markii ugu horaysay ee ay shaqadooda qabsadeen, waanan ku hanbalyaynayaa laakiin waxaan leeyahay in aynu maanta ka hadalno in haamihii la wareejiyo may ahayn, maanta in dadka abaaraha iyo biyo la’aantu ay hayso in laga hadlaabay ahayd, xukuumadan Siilaanyo waxay mudo kordhinta u doonaysayba waxay ahayd inay hantida urursato, shidaalka caalamku isaga oo dhulka yaala ayuu maanta umadeena cirka ku marayaa, dawlad ka naxda oo tidhaahda ka daaya ma jirto. waan arkay dad wax xada laakiin wali maan arkin kuwo mustaqbalkana sii xada oo shirkado ay yigu samaysteen oo madaxtooyadii la laayahay dalkii ku sii wareejisa, waxanu wax laga xishoonayo maaha,arinkaas waa in la joojiyaa, xataa hadii uu baarlamaanku ansaxiyo maanu aqbalnee.”

Comments are closed