|

Jamhuuriyada Somaliland ayaa canbaaraysay qaabka ay xukuumada Myanmar ula dhaqmayso Muslimiinta Rohingya !!

Hargaysa 09. September 2017 (SDN/QJ):-War-saxaafadeed uu soo saaray Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa lagu sheegay in ay aad uga xun yihiin qaabka bina’aadanimada ka baxsan ee ciidamada ammaanka ee xukuumada Myanmar ay ula dhaqmayaan bulshada Rohingya.

War-saxaafadeedka ka soo baxay Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa sidoo kale waxa loogu baaqay dowlada Myanmar in ay joojiso rabshadaha arxan darada ah iyo isir sifeynta lagula kacay dadka rayidka ah islamarkana loo ogolaado in kaalmada bina’aadanimo ay gaadhto dadka u baahan.

 

Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo) ayaa ugu baaqay beesha caalamka gaar ahaan qaramada midoobay in ay qaadaan tillaabo lagu joojinayo ololaha xasuuqa ee ka dhanka ah dadka Rohingya ee ku nool Myanmar.

Hadalka madaxwayne Siilanyo ayaa ku soo beegmaya xilli kumanaan qof ay ka qaxayaan dalka Myanmar.

Warsaxaafadeedkan uu Soo Saaray Madaxweynuhu waxaa ku saxeexan afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland Xuseen Aadan Cige Dayr.

Comments are closed