|

Xukuumada Somaliland Oo Shaacisay Inay Ciidamo Gurmad Ah U Dirayso Musliminta Rohinga DAAWO

Hargaysa 09. September 2017 (SDN/QJ):-Waxaa Mudooyinkii u danbeeyay Qalabka Warbaahinta Caalamiga ahi soo Gudbinayay Tacadiyo iyo Xasuuq aad u Naxdin badan oo Lagu hayo Muslimiinta Rohinga ee Ku dhaqan dalka Myanmar kuwaas oo la kulma Gabood falo kaga imanaya Ciidanka qalabka sida ee dalkaasi.

Xildhibaan Axmed Diiriye Nac-nac oo ka tirsan baarlamaanka Somaliland ayaa sheegay in 15 xildhibaan oo uu kamid yahay ay wadaan Mooshin ay ku doonayaan sidii 5,000 (Shan kun) oo ciidan ah ay dawladda Somaliland ugu diri lahayd muslimiinta Rohinga ee lagu xasuuqayo wadanka Burma.

Xildhibaanku wuxuu madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ka codsaday in loo soo diro diyaaradihii lagu qaadi lahaa shantaas kun ee ciidanka ah.

Sidoo kale, xildhibaan Nac-nac wuxuu ugu baaqay shacabka Somaliland in ay ka qayb-qaataan jihaadka ka socdo wadanka Burma.

Comments are closed