Holywood Jan 17,2014(SDN)-Jilaaga da’ada yar ee Soomaaliyeed Barkhad Cabdi ayaa haatan la shaaciyay in uu ka mid yahay tiro jilaayo ah oo ku tartamaya abaalmarinta filimada ugu caansanaa sanadkii ina dhaafay.
Barkhad ayaa waxa uu filmkiisii u horeeyay Captain Phillips ku muteystay magac iyo in loo aqoonsado in uu yahay mid ka mida jilaayada cusub ee mustaqbalka wanaagsan leh.
Filmka Captain Phillips waxa uu tartan kula jiraa aflaamta kala ah Gravity,American Hustle iyo 12 years a Slave oo dhamaantood ah filimo sanadkii hore aad looga helay.
Barkhad oo haatan ku nool magaalada Minneapolis ayaa filmkiisii u horeeya waxa uu ku muteystay in u u tartamo abaalmarinada dunida ugu caansan.
Waana markii u horeysay ee actor Soomaali ah loo aqoonsado in uu ka mid yahay jilaayada dunida ugu caansan.
SDN-Holywood
contact@somalidiasporanews.com
