|

Khibradda Dhakhtarka Oo La Ogaadey Inay Saamayso Caafimaadka Bukaanka

Hargaysa 24. June 2017 (SDN/QJ):- Cilmibaadheyaal wadanka Maraykanka u dhashay ayaa daraasad ay sameeyeen natiijadeedii soo saaray, iyaga oo sheegay in qofka xanuunsanaaya caafimaadkiisu ku xidhan yahay khibradda dhakhtarka weynaaya.

Daraasadan oo  lagu daabacay wargeyska Washington Post oo uu wargeyska Dawan kazoo xigtay qormadan ayaa lagu sheegay in daraasadan  intii la waday la baadhay goobaha caafimaad ee Maraykanka, taas oo lagu ogaadey in niyadda qofka uu daweeyo dhakhtar weyn oo khibrad badani ay ka wanaagsan tahay ka uu daweeyo dhakhtar yari.

Dhanka kalena daraasad kale oo ay samaysay jaamacadda Cambridge ee dalkaasi Ingiriiska ayaa lagu sameeyey dad gaadhaaya ilaa 7500 qof  oo bukaan ahaa, kuwaas oo yaaley cisbitaalada wadankaasi Ingiriiska iyo kuwa dalkaasi  Maraykanka, iyada oo la eegaayey niyadooda iyo mooralkooda markay dhakhaatiirta kala duwani soo maraan ama daweeyaan.

Daraasadahan ayaa cadeeyey in ay aad u kala badan yihiin niyada dadka dhakhaatiirtani daweeyaan, iyada oo dadka ay daweeyaan dhakhaatiirta da’doodu tahay 40 sanno ay niyad ahaan wanaagsan yihiin 10.8%, halka kuwa ay daweeyaan dhakhaatiirta ay da’doodu u dhaxayso 40 ilaa 49 sanno ay iyagana niyadoodu wanaagsan tahay 11.1% , halka kuwa ay daweeyaan kuwa da’doodu tahay 50 sanno ay iyagana wanaagsan tahay 11.3% dhimashadooduna yar tahay, waxakale oo kuwa ugu wanaagsani noqdeen kuwa ay daweeyaan dhakhaatiirta da’doodu tahay  60 sanno jirka, kuwaas oo noqday 12.1% .

Comments are closed