|

Qadar Oo Soo Dhaweysay Mowqifka Mareykanka Ee Ujeedada Xayiraadeeda

Doha 24. June 2017 (SDN/QJ):- Qadar ayaa soo dhaweysay hadal ka soo baxay Mareykanka oo su’aal geliyay  ujeedada ka danbaysa tallaabooyinka is daba taxan ee ka dhanka ah Qadar ee ay soo rogeen bishan dalal carab ahi.

Ahmed bin Saeed Al-Rumaihi, oo ah afhayeen u hadlay wasaarada arrimaha dibada Qadar arbacadii ayaa sharraxay sida ay  Qadar u soo dhaweynayso mowqifka Mareykanka, maalin kadib markii wasaarada dibadda ee Mareykanku  sheegtay in ay tahay arrin jaha wareer ah  in Sucuudi carabiya, Imaaraatka carabta iyo isbaheysigoodu  badka keeni waayaan waxyaabaha ay sheeganayaan ee ay kaga cabanayaan Qadar.

Mr  Heather Nauert, oo ah afhayeen u hadley wasaarada arrimaha dibadda Mareykanka waxa uu leeyahay “arrintan waxa aan iska weydiineynaa su’aal fudud oo ah tallaabooyinkani in ay run ahaantii la xidhiidhaan cabashooyinkoodii ahaa in la sheego in Qadar taageerto argagixiso ama inay  ku  saabsan yihiin cabashooyinkii soo jireenka ahaa ee u dhexeeyay golaha khaliijka carbeed.

 

Rumaihi ayaa dib u xaqiijiyay arbacadii in mowqifka istaraatejiga ah  ee Qadar ee xallinta qalalaasaha  uu yahay wadahadal ku dhisan ilbaxnimo.

Comments are closed