|

Komiishanka Doorashooyinka Qaranka oo Daboolka ka qaaday inay Soo Xidhantay Goobihii Codbixinta Doorashadda Madaxtooyadda DAAWO

Hargaysa 13 November  2017 (SDN/QJ):-Waxaa Guud ahaan Gobolada Iyo Degmooyinka Dalka laga soo Gabo gabeeyay Codbixintii Doorashadda Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Xubnaha Komiishanka Doorashooyin Qaranka ee Ku Sugan Gobolada Somaliland oo aanu la Xidhiidhnay ayaa sheegay inay soo idlaatay Codbixintii Isla markaana ay hada ku guda jiraan sidii ay Sanaaduuqada Codbixintu u soo gaadhi lahaayeen Xarumaha Komiishanka Doorashooyinku ku leeyahay Magaalooyinka Waaweyn ee Dalka.

Gobalka Sool 70%Waxaa Soo xidhmay , Saaxil 75 % , Gobalka Togdheer Waxaa xidhmay 60 % , Sanaag 65 %

Sidoo kale kominshanka doorashooyinka waxaa ay fariimo iyo digniino u direen shacabka Somaliland iyaga oo ku wacyi galiyey in aaney rumeysanin wararka kuturi kuteenka ah balse ay rumeystaan wararka xarumahooda ka soo baxa.

Comments are closed