|

Afhayeenka Xisbiga Waddani oo Cadeeyay in Saraakiil Sar Sare oo Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani la Xidhay & Cida Xidhay DAAWO

Hargaysa 13 November  2017 (SDN/QJ):-Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa, ayaa shaaca ka qaaday in Saraakiil ka tirsan Xisbiga Kulmiye lagu kala xidhay magaalooyinka Hargeysa iyo Gabiley oo doorasho ahaan gobolka Maroodi-jeex wada ah, kuwaas oo uu Sheegay inay si badheedh ah u Weerareen Saraakiil ka tirsan Xisbiga Kulmiye oo kaashanaya ama gacan ka helaya Taliyaha Saldhigga Booliska Wajaale iyo Maayerka iyo Maayer Ku-xigeenka degmada Wajaale.

Waxaannu Hadalka Afhayeenka Xisbiga Waddani ka jeediyey Shir Jaraa’id oo uu Maanta si deg-deg ah ugu qabtay magaalada Hargeysa, isla markaana Baaq iyo Farriin ugu diray Guddiga doorashooyinka iyo Taliyaha guud ee Booliska Somaliland, waxaannu Hadalka Afhayeen Buubbaa idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

Comments are closed