|

Komiishanka Doorashooyinka Qaranka oo Sharciyo adag ku Xidhay Hadii la Hakiyo Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha

Hargaysa 29.March 2016 (SDN/QJ):- War hada soo dhacay ayaa sheegaya in gudida doorashoyinka Somaliland ay shuurdo adag ku xidheen in la hakiyo Diwaangalinta cod bixiyaasha oo shalay la soo jeediyey .

Xubnaha Komiishanka SomalilandGudida doorashooyinka ayaa waxaa ay kulan arintaasi kaga hadlayaan oo ka dhacay qasriga madaxtooyada ay fooda isku dareen masulyiinta ugu sareysa xukuumada Somaliland

Waxaana warku uu intaa ku darayaa in gudidu ay xukuumada Somaliland hor dhigeen ajande ka kooban dhawr qodob oo ay ka mid yahiin

In ay xukuumada Somaliland damaanad qaado dib u dhac ku iman kara doorashooyinka
In ay xukuumadu damanaad qaado lacag khasaareysa isla markaana loo qoondeeyey in la isictmaalo labadan bilood ee la hakinaayo taas oo kharasheed gaadhayo 1 Million oo Dollor
Xukuumada Somaliland ayaa waxaa qoraalkan ay hor dhigeen gudida doorashooyinku ay ku noqotey laf dhuun gashay.

Comments are closed