|

Komishanka Doorashooyinka Somaliland oo cayimay Doorashada Madaxtooyada

Hargeysa. 24 September, 2022. (QJ)- Komishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa maanta sheegay in aanay 13 November, 2022 ku qaban karin Doorashada Madaxtooyada iyaga oo jadwal cusub iyo wakhti ay ku qaban karaan soo saaray.

Komishanka ayaa shaaciyay in muddo 9 bilood ah oo ka bilaabmaysa 1-da October ee 2022 ay ku qaban karaan Doorashada Madaxtooyada.

Bisha June ee sanadka danbe 2023 ayaa la qabanayaa Doorashada Madaxtooyada.

Warka Komishanka ayaanu dhignaa saddexdan qodob:
1. In Doorashada Madaxatooyada JSL ee u qorshaysnayd in la qabto 13-ka Nov 2022 oo ah bil ka hor dhammadka muddo xilleedka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka, aannay farsamo ahaan, iyo dhaqaale ahaan ba qabsoomi karayn.
2. In Komiishanka Doorashooyinka Qaranka JSL, farsamo ahaan ku qaban karaa doorashada Madaxtooyada JSL muddo Sagaal (9) billood ah oo ka bilaabmaysa 1st October 2022.
3. Gebogebadii Komiishanka Doorashooyinka Qaranka JSL wuxuu muddadaa Sagaalka (9) billood ah ku diyaarinayaa dhammaan arimaha farsamo, dhaqaale ee ay u baahan tahay Diiwaangalinta Codbixyeyaasha iyo qabsoomida doorashada Madaxtooyada JSL.

Komishanka Doorashooyinka Somaliland ayaan marna soo hadal qaadin Doorashada Ururada iyadoo arintaa siyaabo kala duwan loo macneeyay.

Comments are closed