|

Xisbiga Waddani oo ka hor yimi muddo kordhin aan heshiis ku iman

Hargeysa. 25 September, 2022. (QJ)- Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ee Somaliland wuxuu maanta caddeeyay mawqifkiisa muddo kordhinta.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI waxa uu si faahfaahsan uga hadlay qodobo dhawr ah oo ay ugu muhiimsantanay in aanay aqbalahayn muddo kordhin aan heshiis lagu ahayn. Arimaha kale ee uu ka hadlay waxa ka mid ahaa; xaaladda adag ee nololeed sicir  bararka iyo dhaqaala xumada, Fashilka Safarkii Madaxweynaha ee gobollada Iyo Jawaabta hadalkii Madaxweynaha Soomaaliya  iyo mawqifka Xisbiga ee arrinta Somaliland iyo Somalia.

“Mawqifka Xisbiga WADDANI waxa weeye in aanan ogolayn 13-ka November wixii ka dambeeya muddo kordhin aan la isku waafaqsanayn oo aan laga heshiin, sharcina aanay noqonayn..” Ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Arintan ayaa imanaysa xili Gudida Doorashooyinka Somaliland ay sheegeen in muddo 9 bilood ah ay doorashada madaxtooyada ku qaban karaan.

Comments are closed