|

Koox Dhalinyaro Ah Oo Ay Soo Abaabushay Xukuumadda KULMIYE Oo Weerar Dhagaxaan Ah Ku Soo Qaaday Caawa Xarunta Guud Ee Xisbiga WADDANI

Hargaysa 19.October 2016 (SDN/QJ):-Wararka naga soo gaadhaya hadda xarunta guud ee Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI uu ku leeyahay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in ay weerar ku soo qaadeen caawa xaruntaas koox dhalinyaro ah oo abaabulan,xili ay   xaruntaasi ka socotay qay-binta kaadhadh -ka shirka golaha dhexe ee Xisbiga WADDANI.

 

Xiliga  ay kooxdan abaabulani ee ku hubaysnayd dhagaxanta  ay weerarka ku soo qaadayeen Xafiiska guud ee Xisbiga WADDANI ayaa waxa gobtaasi yaalay gaadiid tiro badan,kuwaas oo ahaa qaar ay wateen masuuliyiinta iyo hawl-wadeenada Xisbiga WADDANI,waxaana xusid mudan in barxada hore ee xaruntaasi iyo weliba gudaha xafiisyada ay ahayeen kuwo ay soo buux-dhaafiyeen dad tiro badan iyo baabuur.

 

Dhanka kalena weerarka ayaa waxa uu ku soo aaday xili  maalintii shalay ahayd  uu si rasmi ah magaalada Hargeysa uga furmay shir weynihii koobaad ee Xisbiga WADDANI,kaas oo lagu waddo in la soo afmeero maalinta sabtida ah ee fooda inagu soo haysa.

 

Weerarkan  ayaa la sheegay in aanu sababin wax khasaare nool ah, balse ay dadkii ka kala carareen goobtaasi,iyagoo isku buquujiyey gudaha xafisyada,waxaan isla markiiba kooxihii baac-saday ciidamada amaanka ee  sida gaar ah  ugu shaqeeya Xisbiga WADDANI,walow la sheegay in uu khasaare soo gaadhay gaadiidkii barxada yaalay haddana ma sugna tirada gaadiid khasaaruhu ka soo gaadhay shiid-kaas.

 

Kooxahan ayaa loo malaynaa in uu soo abaabulay Xisbiga calaantiisu cadaatay ee KULMIYE oo ka hinaasay horumarka iyo guulaha is daba jooga ah ee uu ku talaabsaday Xisbiga da’dayar ee WADDANI,waxaana horre looga bartay dhaqamo noocan oo kale ah,balse hadda ma jirto cid sheegatay in ay soo abaabushay weerarkaasi.

 

Isku soo wadda xoorriyoo kooxa dhalinyaro ah oo ku hubaysan dhagaxaan ayaa Xalay   weerar ku soo qaaday xarunta guud ee Xisbiga WADDANI uu ku leeyahay magaalada Hargeysa,waxanay sida roobka kaga dhigeen dhagaxaan,balse ma jirto wax dhaawac ah soo gaadhay dadkii tirrada bad-naa ee goobtaasi ku sugnaa.

Comments are closed