|

Caasimada Somaliya ee Muqdisho oo lagu Xidhay Wariyeyaal ka Tirsan Telefishanka Al Jazeera

Muqdisho 20.October 2016 (SDN/QJ):-Ciidamada Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka  dalka Somaliya ayaa shalay xabsiga dhigay Wariyeyaal u shaqeynayay Telefishinka Al Jazeera qeybtiisa afka English.

wariye-xamse-maxamed-iyo-sawir-qaadeWariye Xamse Maxamed iyo Sawir qaade la socday ayaa la sheegay inay xidheen Ciidamada Nabadsugida dalka , xilli ay soo galayeen magaalada Muqdisho.

Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa sheegay in meel duleedka ka ah magaalada Muqdisho lagu xidhay.

Waxaa la sheegayaa in Suxufiyiintaasi lagu xidhay muuqaalo ay ka duubeen dalka Somaliya.

Comments are closed