|

Korodhka Qaxoontiga ka soo Cararaya Xasilooni darada Dalka Koonfurta Sudan & Warbixin ay soo saartay Hay’ada UNCHR

New York 18. August 2017 (SDN/QJ):- Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay inay si weyn kor ugu kacday tirada dadka qaxootiga ah ee ka soo cararaya xasiloonidarada ka jirta Koonfurta Sudan soona gelaya dhanka dalka Yugaandha.

UNHCR waxa ay sheegtay in tirada qaxootigaasi ay haatan gaadhayso illaa hal million oo ruux, maalin kastana ay yugaandha soo galaan dad kumanaan ruux ah oo u badan haween iyo caruur, kuwaas oo xadgudubyo arxandarro ah kala kulmay dalkoodii hooyo, welina ay jiraan kuwo kale oo ku go’doonsan goobaha colaaduhu ka jiraan.

 

Warbixintan waxaa lagu bogaadiyey sida ay dawlada Yugaandha albaabada ugu furtay ee u soo dhoweysay dadkaa qaxootiga ah, waxana ay UNHCR ka codsatay dalalka hantida haystaa inay kordhiyaan deeqda ay ugu talogaleen qaxootiga Koonfurta Sudan oo haatan ah ka ugu badan adduunka.

Comments are closed