|

Boqortooyada Sucuudiga oo Amartay Nidaam Cusub oo Xujayda Qatar ay ku Soo Gudanayaan Waajibaadka Xajka & Maskaxda ka Danbaysay Qorshahan

Riyadh 18. August 2017 (SDN/QJ):- Boqorka dalka Sucuudiga Boqor Salmaan bin Cabdicasiis ayaa amray in xujaajta dalka Qatar ka imanaysa lagu soo daadgureeyo diyaaradaha Sucuudiga isla markaana aan la weydiin wax fiisayaal ah, waana talaabo loo arko in Boqorku ku dhamaynayo mushkiladii dhanka xujaajta reer Qatar ee warbaahintu hadalhaysay.

Qorshahan ayaa lagu sheegay inuu yahay mid uu ka soo shaqeeyey amiirka dhaxalka boqortooyada leh Maxamed Bin Salmaan, kaasoo qeexaya inay xujaajta dalka Qatar sucuudiga ka soo geli karaan dhanka berriga iyo dhanka cirkaba, waxaana dhamaan kharshiyaadka ku baxaya laga bixin doonaa khasnadaha boqorka Sucuudiga.

Diyaaradaha sucuudiga ayaa xujaajta wadanka Qatar ka soo daabulaya magaalooyinka Xasaa iyo Damaam oo bariga sucuudiga ah oo ay gawaadhi ku iman doonaan xujaajtu waxana loo soo gudbin doonaa dhanka magaalada jJiddah, halka sidoo kalena ay diyaaradaha sucuudigu tegi doonaan Magaalada Dooxa lafteeda.

Comments are closed