|

Korodhka Shilalka Gaadiidka ee Somaliland iyo Tirada Dadka Shilalka Ku Dhintay 2013/2014

Hargaysa 29.April 2016 (SDN/QJ):- Maalintii Arbacadii Waxaa Duleedka Magaalada Hargaysa ka Dhacay Shil Gaadhi oo Sababay dhimashada 5 Ruux iyo Dhaawaca Hal Qof.

shilka2Saddexdii Bilood ee u horeeyay Sannadkii 2014-ka waxa Somaliland ka dhacay 648 Shil, waxaana ku dhintay 20 Qof, halka ay ku dhaawacmeen 443 Ruux.

 

Sannadkii 2013-kiina waxa Dalka ka dhacay 2374 shil, waxaana ku dhintay 130 Qof, waxaana ku dhaawacmay 1433 Qof, waxaana burburay 1596 Gaadhi, sida uu hore u sheegay Taliyaha Booliiska Somaliland Sareeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan.

Comments are closed