|

Ku Simaha Madaxweynaha Somaliland ahna Madaxweyne Ku Xigeenka oo Shacabka Caasimada Kula Tukaday Masjid Jaamaca Weyn Kana Hadlay Wada Hadalka Xukuumadda Iyo Khaatum & Arrimo Kale DAAWO

Hargaysa 25. June 2017 (SDN/QJ):- Waxaa Maanta Guud ahaan Dunnida Muslimka Looga Dareeray Tukashada Salaada Ciidul Fidriga Maadaama ay inoo dhamaatay Bishii Barakada Lahayd ee Ramadaan.

Guud ahaan Gobolada iyo Degmooyinka Somaliland ayaa Laga Oogay Tukashada Salaada Ciidul Fidriga.

Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Isla Markaana ah Ku Simaha Madaxweynaha Somaliland Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici ayaa Shacab Tiro badan Kula Tukaday Masjid Jaamaca Weyn ee Magaaladda Hargaysa.

Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici oo Khudbad dhinacyo badan leh ka Jeediyey Masjid Jaamaca weyn ayaa Hambalyo u diray Shacabka Somaliland Iyo Shucuubta Islaamka,Waxaa Kale oo Madaxweyne Ku Xigeenku Ummada Somaliland u Soo Jeediyey Inay Ilaashadaan Midnimadooda Isla Markaana ay Ka Feejignaadaan Tabaha uu Cadawga Somaliland rabo inuu Ku Wiiqo Horumarka aynu higsanayno,Mudane Saylici Wuxuu Ummada Ku booriyey in la soo dhaweeyo Wada hadalada Meesha wanaagsan u Maraya Xukuumada Somaliland Iyo Khaatumo.

Comments are closed