|

Dowladda Turkiga Oo Jawaab Kulul Ka Bixisay Dalab Ay Soo Jeediyeen Dalalka Sucuudiga Iyo Imaaraadku

Istanbul 25. June 2017 (SDN/QJ):- Dalalka ka horjeeda Qatar ee ay hoggaaminayaan Sacuudiga iyo Qatar ayaa soo gudbiyay dalab ka kooban 13 Qodob oo ku saabsan in Qatar ay qaado inta aan laga noqon xayiraadda ay saareen, waxaana ka mida inay xidho saldhigga milateri ee Turkigu ku leeyahay dalka Qatar.

Wasiirka Gaashaandhigga Turkiga Fikri Isik ayaa sheegay in Turkiga aysan qorshaha ugu jirin xidhitaanka saldhigga milateri ee Qatar, wuxuuna intaas ku daray in saldhiggaasi uu qaabilsan yahay ammaanka Gobolka Khaliijka oo dhan.

Jawaabta kulul ee Turkiga ayaa soo baxday kadib markii dalabka qoraalka Sacuudiga iyo Imaaraadku soo gaadhay dalka Qatar iyadoo lasoo mariyay dalka Kuwayt.

 

Turkiga ayaa is garab taagay dalka Qatar, markii ay godoomiyeen dalalka Khaliijka, isagoo ciidamo u soo diray dalkaasi.

Comments are closed