|

Kulankii caawa iyo Muuse oo ka cawday Gantaalo Faysal ku riday, doorashona diiday

Hargeysa (SD) – Xisbiyada mucaaridka Somaliland iyo Madaxweynaha Somaliland ayaa maanta wadahadal aaney wax natiijo ahi ka soo bixin oo doorashooyinka ku saabsanaa ku dhemaray madaxtooyada.

“Waxaanu u tagnay madaxweyne difaacanaya aragtidiisa oo cadhaysan,waxaana uu diyaar u yahay inuu qabto doorashada uu Rabo ee ururada uma diyaar ah Doorasho Madaxweyne ” Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa caawa hadlo adagi ku dhexmareen qasriga madaxtooyada Somaliland isaga iyo Muuse Biixi.

Halkii la filayay in madaxweynuhu soo bandhigo qorshihiisa doorashooyinka dalka ayaa cabasho iyo hanjebaadyo isu raaciyay Guddoomiye Faysal.

Guddoomiye Faysal ayaa saxaafada isla caawaba u sheegay in ay la kulmeen madaxweyne Cadheysan oo aan talo qaran heyn.

Madaxweynaha oo ay agfadhiyaaan laba ruux oo ay mucaaridka isugu xun yihiin ee Cali Warancade iyo Cabdiraxmaan dheer ayaa ku cataabayay hadalo mucaaridku hore ugu jeediyeen.

“Ma ninkaagii ilahaa Xarshin tag iyo doorashooyinka lagaa baryi maayo ayaa halkan ii soo fariistay” ayuu madaxweyne Biixi ku celceliyay, sida ay ilo goobta ku sugnaa noo shegeen.

Faysal ayaa la sheegay in uu madaxweynaha ugu jawaabay ” miyaanad adigu aheyn kii hoyadey caayay”

Intaa ka dib ilo wareedyadu waxa ay noo xaqiijiyeen in Madaxweyne Biixi ku adkeystay furida ururada, mudo kororsi iyo in kala eryayo xubnaha haray ee guddida doorashooyinka qaranka.

Madaxda axsaabta Mucaaridka ayaa ku wargeliyay madaxweynaha in taasi aaney suurtogal aheyn isagana soo dhaqaaqay madaxtooyada.

Hadalka Cali Warancade ee ku wejahan in sabtida dib loo balamay ayaan waxba ka jirin, sida naloo xaqiijiyay.

 

 

Comments are closed