|

Kulmiye oo Laba Garab Magacyo uu Ula Baxay Muran iyo Dood Dhalisay Golaha Guusha Kulmiye Iyo Golaha Xooga Kulmiye DAAWO

Hargaysa 29. June 2017 (SDN/QJ):- “Kayse oo ah afhayeenka Golahan cusub oo ay maskaxdiisa ka soo maaxatay innuu Golahan sameeyo ee aanu halkan ,maanta kaga dhawaaqnay.”

Guddi xubno tirro yar oo qaarkood xillal Wasiir ku-xigeen dhawr Wasaaraddood ka soo noqday xukuumadda Axmed Siilaanyo iyo xubno adeegayaal gacan yare ka ah Wasaaradda maaliyada iyo Xafiiska Agaasimaha sama-falka madaxtooyada Somaliland, Aamina Diiriye ayaa isu-cumaamaday Guddi isu-bixiyeen garabka guusha xisbi-xaakimka Kulmiye dardar-galin doona, isla markaana xubnahaas  oo murashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Kulmiye Muuse biixi Cabdi, Guddoomiye ku-xigeenka Maxamed Kaahin Axmed, xoghayaha Xasan Siciid, iyo madaxda kale ee xisbiga talada haya ayaa wax alaale iyo wax ay kala socdeen ma jirto garabkan ka dhex-samaysmay xisbi ee is magacaabay oo shalay xaflad ku qabsaday magaalada Hargeysa.

Xubnaha magacyada la baxay garabka guusha xisbiga Kulmiye Xildhibaan Obama, Liibaan Maaweel oo isku magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka garabka guusha, Wasiiru-dawlihii Wasaaradda duulista iyo gaadiidka Cirka ee isku  shaandhayntii ugu dambaysay xilka uu ka qaaday Wasiir Maxamuud Xaashi Cabde ee Axmed Nuur Faahiye, halka haweenka iyaguna ka mid ah garabkan Aamina Saado iyo Dalays.

Comments are closed