|

Wasiirka Amuuraha Dibada ee Qatar oo Magaalada Washington Kulan Xasaasi ah Kula Qaatay Dhigiisa Dalka Maraykanka

Washington 29. June 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka arrimaha dibada ee dalka Qatar Sheekh C/raxmaan Maxamed Al-Taani oo booqasho ku jooga dalka maraykanka ayaa kula kulmay dhigiisa Mr: Rex Tilerson caasimada Washington, iyagoo ka wada hadlay sidii cunaqabataynta ay uga qaadi lahaayeen dawladaha uu Sacuudigu hormoodka ka yahay dalka Qatar.

Hase ahaatee kulankan labada mas’uul oo aan wax  war ahi ka soo bixin ayaa Afhayeenka wasaarada arrimaha dibada ee maraykanku Mr: Hiitar Neyoorat  ku dhawaaqay in maamulka maraykanku doonaayo in Qatar iyo dawladaha Sacuudigu hogaamiyo khilaafaadka dhexdooda yaala ay iyagu si xilkasnimo ah u dhamaystaan, isagoo xusay in arintan maraykanku ku daalay.

 

Dhinaca kale, wasiirka arrimaha dibada ee Qatar Sheekh C/raxmaan Maxamed, oo waraysi siiyey qaybta carabiga ee France 24 ayaa sheegay in 13 qodob ee ay shuruuda uga dhigeen dawladaha uu Sacuudigu hogamiyo ka qaadista cunaqabataynta la saaray dalkiisa ay yihiin qaar ka hor imanaya qaranimada Qatar iyo saxaafada xorta ah ee caalamka, taas oo ay yihiin wax aan xikmad iyo caqli ku fadhiyin.

Comments are closed