|

Labada Garab ee Gudida Qabanqaabada Shirweynaha aan Caadiga ahayn ee Xisbiga Ucid oo Mawqifyo kala Durugsan ka istaagay Qabsoomida Shirkaas DAAWO

Hargaysa 29.October 2016 (SDN/QJ):-Labada Garab ee Xisbiga Ucid u qaybsan yahay Gaar ahaan Gudida qaban qaabada Shirka aan Caadiga ahayn ee Xisbigaas oo Maanta Warbaahinta la hadlay ayaa Kooxda Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Waxa ay sheegeen in Dib u dhac Koobani uu ku Yimid Qabsoomida Shirkaas oo Ku Mudaysnaa 2 Bishan soo Socota ee November.

Halka Garabka Jamaal Cali Xuseen ay dhankooda Sheegeen inay qabanayaan Shir lagu dooranayo Hogaanka Xisbiga Gaar ahaan Gudoomiyaha Xisbiga Ucid oo ay Sheegeen inuu isu taagay Murashaxa Jagada Madaxweyne.

Comments are closed