|

‘’Labada Wasiir ee Duulista Iyo Hawlaha Guud waxaan leeyahay heshiiya, oo halkaas khilaafka ku damiya, waxaana leeyahay arintaas yaan dib loo maqlin, oo halkaas ha lagu damiyo, Diyaaradana shaqo kuma laha Cali’’ Wasiirka Gaashaandhiga

Hargaysa 31. August 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Gaashandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Caddami, ayaa ka digay wax walba oo dhib ku ah dibna u dhigi kara Doorashada Madaxtooyada iyo Dimuqraadiyada Somaliland, waxaanu si gaar ah uga hadlay khilaafkii Golaha Wakiilada ee la xaliyey, isagoo sheegay inuu si gaar ah ugu mahadnaqayo cidii khilaafkan xalisay.

Wasiirka Gaashandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Caddami oo u waramayay  Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay khilaafkii dhexmaray Wasiiradda Wasaaraddaha Duulista Hawada iyo Hawlaha Guud, waxaanu ugu baaqay inay heshiiyaan, oo khilaafkooda ay soo af jaraan, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka hadlaya khilaafkii Wakiilada “Xildhibaanada Golaha Wakiiladu waa niman meesha ku raagay oo sannado badan maraya, waajibkooda  inta badan wey garanayaan, oo waajib garasho la’aani ma jirte ee xooga hagrasho ah baa jirta, waxaana ILLAAHAY ka baryayaa inuu caajiskaas iyo hagrashadaas uu inaga dulqaado, ee bilaha inoo hadhay khilaaf dambe iyo wax dambe oo la qod-qodaa aanu jirin oo halkaas lagu sameeyo joogsi dhab ah, Xisbi kasta ha ka socdeene wey amaanan yihiin dadkii ka hawl-galay ee ka damqaday khilaafkaas, hadii waxaana sii socdaan waxay u gacan haadinayaan in Doorashadii ay dib u dhacdo, laakiin ILLAAHAY kama dhigin, Raggiina maaha kama madhan, daacadnimadana lafteedu meesha kama madhna, waana la dadaalay, aadna wey ugu amaanan yihiin Odayaasha caanka ah, ee masiirka umadda ka taliyey, khilaafkana is af garad baa laga gaadhay, wax is af garaad dhammaana ma jiro,”.

 

Wasiir Caddami mar uu ka hadlaayey Doorashada ayaa yidhi “Waxa la odhan jiray Somaliland waxay ku caan baxday in iyadoo Qaramada Midoobay iyo Midawga Afrika midna u tagin, saaxibo iyo dad ay is yaqaaniina la gaashan ayey khilaafkeeda xalin jirtay, wanaagii iyo sumcadii inoo hor maray maaha inuu xumaan ku dambeeyo, markaas anigu waxaan cod dheer ku leeyahay qof kasta oo Somaliland aaminsan in talo iyo tamar wanaagsan hawsha lagu wado, Diiwaangelintii waa la sameeyey, Kaadhadhkii waa la qaybiyey, inta inoo hadhayna si habsimiya ayaa lagu wadayaa, waxaana maanta inala gudboon oo imtaxaankaas kaga bixi karnaa in Dimuqraadiyada dhamaystirno, tilmaamaha iyo faro ku fiiqu wuu faro badan yahay, laakiin in Doorashada nabadgalyo kaga qayb galno gurmad ahaana ka galno, sidii ay Doorashadu si nabada ah inoogu dhici lahayd ayaa muhiim inoo ah”.

 

Wasiir Caddami ayaa mar uu ka hadlaayey Beesha Caalamka iyo aragtidooda ku waajahan Somaliland ayaa yidhi “Waxaan ogahay in rayi-caamka Adduunka, oo ay ku jiraan kuwo kaalmo dhaqaale ina siiya, iyo kuwa jecel inaynu kufno oo Somali leh, oo Carab leh, oo Gaalo leh,ayaa jira, lamana yidhaahdo cadawgaygu afar bay ahaayeen afartiina wey socdeen, ee maanta inalama gudboono mawjado kale ee aynu isku diyaarino garasho caqli, ixmadna aynu la nimaadno, oo danteena aynu ka talino”.

 

Wasiir Caddami mar aanu wax ka weydiinay sida uu arko dhaliilihii ay warbaahinta isku mariyeen Wasiiradda Wasaaraddaha Duulista Hawada iyo Hawlaha Guud ayaa ku jawaabay “Labadan Wasiirba waan aqaana, mid aan dhinaca hadda gooni u saaraya ma jiree, waxaana leeyahay arintaas yaan dib loo maqlin, oo halkaas ha lagu damiyo, ninkii sii wad-wadaana isaga ayaa gardaran, labada Wasiirna waxaan leeyahay heshiiya, oo halkaas khilaafka ku damiya, Diyaaradana shaqo kuma laha Cali, cid walbana shaqadeeda ha loo daayo, cid aan garabka saarayaa ma jirto, ee labada daan ee bini-aadanku leeyahay ayaa isku dhac ka yimaada, ee hadda la ina baray, oo wax badan oo la inagu naanayso ayaa jira, ee yaanay naanaystii sii kordhin, arimo waaweyn baa loo baahan yahay inaynu furdaamine, ee Gabadh baa kursigan laga kiciyey, iyo kursigaas bay lahayd, wax la maqli karo iyo wax laga sii sheekayn karo maaha”.

Comments are closed