|

Lacagta Afrika Laga Lunsado Sanadkii Waxay u Dhigantaa Ta Lagu caawiyo (warbixin) 

Addis Ababa, 16 May, 2016-(SDN/QJ) :–Kontonkii sanadood ee u dambaysay Qaaradda Afrika waxaa ka khasaaray oo si sharcidarro ah looga lunsaday adduun dhaqaale oo gaadhaya 1000 Bilion oo Doolarka Maraykanka ah taasoo u dhiganta sanadkiiba 50 Milion oo Doolar, waxana dhaqaalahani u dhigmaa taageerooyinkii ay qaaraddu dibada ka heshay mudadaa lafteeda. Iyadoo dhaqaalaha la lunsaday uu ku filnaan lahaa bixinta deynta dibada lagaga leeyahay qaaradda oo dhan 250 Bilion oo doolar, isla markaana ay ka soo hadhi lahayd ilaa 600 Bilion oo lagu dabooli lahaa qorshayaasha hoos loogu dhigayo saboolnimada laguna kobcin lahaa dhaqaalaha.

 

lunsiga africaLacagaha la lunsado waxaa ka mid ah lacago markoodii hore si sharcidarro ah lagu helay ama lagu xawilay ama looga faa’iidaystay, iyadoo saamaynta tooska ah ee ay leedahay lacagta sharcidarada lagu lunsadaa ay ka mid yihiin Khasaare ku yimaadda mashaariicda hoos loogu dhigayo saboolnimada sida caafimaadka, waxbarashada iyo shaqo abuurka, halka saamaynta aan tooska ahayna ay ka mid yihiin hoos u dhac ku yimaadda maalgashiga qofka keliya ahi leeyahay iyo dakhliga soo geli lahaa.

Saamayntan noocan ahi waxay dhaawacaysaa qorshihii ay dalalka Afrikaanku bishii July ee sanadkii hore u gudbiyeen dalalka reer Galbeedka kaasoo ay kaga codsanayeen in laga dhaafo daymaha qaaradda lagu leeyahay, taa bedelkeedana ay wadamada Galbeedku dalbadeen in Afrikaanku xidhaan daldaloolada ay cashuurtu ku lunto iyo waxyaabaha hoos u dhigi kara dakhligii ka soo bixi lahaa cashuuraha dalalka qaaradda afrika.

Sida ay caddaynayaan tirokoobyada aynu kor ku soo xusnay waxba iskama bedelin dabeecadihii ay lacagta afrika sida sharcidarada ah ugu lumaysay, iyadoo mudadii kontonka sanadood ahaa ee u dambaysay ay arintaasi isa soo taraysay.

 

Warbixintan oo uu qoray Proffosor Sean Gossel, oo ka tirsan jaamacadda  Cape Town waxa lagu sheegay in Lacagaha sida sharcidarada ah loo lunsadaa ay yihiin musuqmaasuq, kaas oo aan xiligan ku ekayn hay’adaha dawlada ee wadamada afrika laakiin ku dhexfaafay ganacsiga gaarka loo leeyahay, iyadoo labadaas xisaabood isugayntoodu noqonayso 60% lacagaha sida sharcidarada ah looga lunsaday qaaradda Afrika

Tobankii sanadood ee u dambeeyey afrika waxay dhaqaale gaadhaya 242 Bilion oo doolarka Maraykanka ah ku weyday tiro yaraan iyo tayo xumo lagu sameeyey adeegyada iyo badeecadaha, halka 407 Bilion oo kalena ay ku weyday  Dalab xumida ganacsiga dhexdiisa oo keliya.xilii ay 35% lacagaha sharcidarada lagu lunsadaa ka yimaadaan falal dembiyeed.

Dimuqraadiyadda qaaradda Afrika waxaa sii xoojin kara daahfurnaanta iyo dabagalka isla xisaabtanka sida ay sheegtay Gudiga dhaqaalaha Afrika ee qaramada Midoobay oo sidoo kale soo jeedisay in sida uu yahay loogu dhaqmo qodobka 22-aad ee xeerka Ururka Midowga afrika oo qeexaya la dagaalanka musuqmaasuqa, kaas oo u baahan in meel looga soo wada jeesto lana helo aragtiyo iyo awood midaysan oo afrika iyo adduunka intiisa kale iskaga kaashadaan si qaddiyadan wax looga qabto loona badbaadiyo dhaqaalaha Afrika kaga lumaya musuqmaasuq ka imanaya qaaradda gudaheeda iyo dibadeedaba.

Comments are closed