|

Lafaha Dinasoor Dalka Spain Ku Noolayd Muddo 125 M Sanno Ah Ka Hor Oo La Helay

Castellon 19. June 2017 (SDN/QJ):-Waxa wadanka Spain laga helay lafo taariikhi ah oo in muddo ah la raadinaayey ,kuwaas oo ah xayawaan waqti hore ku noolaa wadankaasi Spain, kaas oo ahaa xayawaanka Dinosaur ta loo yaqaano oo muddo dhan 125 Million oo sanno ka hor noolaa, kuwaas oo ku noola wadanka Spain meelo kamid ah.

Waxaana ugu dambayn lafahaasi oo dherer ahaan gaadhaaya 20 meter laga helay  meel u dhow magaalada  Morela ee gobolka Castellon oo ku taala Barriga wadanka Spain.

Khubarada baadhaysay lafahan ayaa helay laba lafood oo kamid ah lafahaasi, kuwaas oo muddo dheer ciida ku hoos jiray,waxaana ku jira qoortii bahalkaasi, laf dhabartii iyo dibkii, waxa iyaguna jira lafo yar yar oo kamid ah lafihii xayawaankaasi.

Xayawaankan ayaa ahaa xawayaankii ugu dheeraa uguna baaxada weynaa ee ku noolaa caalamka taariikhda caalamka, waxaanay dadka taariikhda wax ka qoraa sheegaan in xayawaankaasi halkaasi ku noolaa sannado ka badan 125 million oo sanno.

Madaxa kooxda samaynaysay baadhitaankaasi oo lagu magcaabo Jose Miguel Gasula  ayaa sheegay in lafahani yihiin kuwii ugu dhaadheeraa ee ay helaan intii ay baadhitaankan wadeen, kuwaas oo qaarkood gaadhayaan 1.60 meters, halka ay qaarkoodna yihiin 20 meter, dherer ahaana yihiin 10 meter.

Maaha lafahani kuwii ugu dhaadheeraa ee dalkaasi laga helo sida uu khabiirkani sheegay, laakiin waxa jiray lafo kale oo la helay sannadkii 2015 kii, kuwaas oo dherer ahaan gaadhaayey 1.80 meters, waxaanay kuwaasi ahaayeen kuwii horseedka u ahaa in baadhitaanadan dambe la sameeyo.

Lafahan la helay ayay khubaradu sheegeen inay horseed u noqon karaan baadhitaano horleh oo la sameeyo iyo sidoo kalena in la helo noocyo cusub oo nooleyaal hore ah.

Lafahan ayaa loo gudbin doonaa masxafka magaalada Morela ku yaala ee loo yaqaano Morela Museum, kaas oo la dhigi doono, laguna sii samayn doono baadhitaano dheeraad ah.

Comments are closed