|

Fal Dembiyeedyada Nacaybka Ku Salaysan Oo Ku Soo Kordhaya Kanada

Otto 19. June 2017 (SDN/QJ):- Dembiyada naceybka ku saleysan ee laga soo sheegayo dalka Kanada ayaa xoogaa kordhay sanadkii 2015, waxaana lagu saleeyay dhacdooyinka lagu bartilmaameedsanayo Muslimiinta, Carabta iyo dadka ka soo jeeda Woqooyiga Aasiya, sida lagu sheegay warbixin rasmi ah oo la soo saaray.

Booliiska ayaa sheegay in 1362 fal dembiyeed oo ka dhacay gudaha Kanada ay salka ku hayaan naceyb, tan oo 5% ka badan sanadkii hore.

Xogtan ayaa waxaa salaasadii soo saartay hay’adda tirakoobka Kanada.

Warbixinta sanadlaha ah ee ay soo saarto hay’adda tirakoobku ayaa lagu soo ururiyay iyadoo la adeegsanayo xogta booliiska ee gudaha dalkaasi.

Ku dhowaad kala badh dhammaan dhacdooyinka ayaa lala xidhiidhiyay isir, iyadoo dadka madow ee Kanada ay noqdeen kuwa ugu badan ee la beegsaday.

Bulshada Yuhuudda ah ee Kanada ku nool ayaa noqday kuwa ugu badan ee diintooda darteed loo bartilmaameedsaday.

Muslimiinta ayaa la sheegay in marar badan oo is daba joog ah la beegsaday sanadkii 2015-kii, iyadoo 159 dhacdo lagu bartilmaameedsaday marka la barbardhigo 99 dhacay sanadkii 2014.

Si kastaba ha ahaatee, hay’addda tirakoobka Kanada ayaa sheegtay in booliisku ay wax u qabteen bulshooyinkan, ayna socdaan dadaallo ay wadaan kooxaha ay ka midka yihiin Guddiga Qaranka ee Muslimiinta Kanada (NCCM) si loo dhiirri geliyo in dembiyadan la soo sheego.

Comments are closed