|

Ma dhabaa in Madaxweyne Biixi iyo Wasiir Ciise Keyd ay isku dhaceen iyo sababta

Hargeysa (QJ) – Wara isa soo taraya ayaa sheegaya in Madaxweyne Biixi iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland khilaaaf soo kala dhexgalay ka dib kolkii uu madaxweynuhu soo jiidiyay in xil ka bedel lagu sameyo wasiirka.

Wararku waxa ay intaa ku darayaan in soo jeedintan ay ka timi kooxda HEEGO oo ka biyo diidan madax banaanida siyaasadeed ee Wasiirka.

Wasiirka ayaa sidoo kale ay ku eedeeyeen in si beeleysan uu u maamulay qorida shaqaaalaha wasaarada Arrimaha Dibedda, oo lagu eedeyay in uu nidaam qabyaaladeysan ku maamulay.

Geesta kalena, Jeegaanta ayaa la sheegay in ay madaxweynaha u jeediyeen in xilka wasiirka Arrimha Dibedda loo magacaabo Baashe Cumar oo ore u diiday xilka wasiir ku xigeenka.

Halka Wasiir Keyd na loo soo jeediyay in uu qaato wasiirka Caafimadka isla markaana uu soo jeedintaa ku gacan seyray.

Wasiir Keyd oo hore uga tirsanaa xisbiga Wadani ayaa mudadii koobneyd ee uu ka tirsanaa xukuumada Muuse Biixi waxa uu si weyn isugu duba riday beesha uu ka soo jeedo ee Hawd degta.

Wasiiir Keyd ayaa la sheegay in uu ku hanjebay in taageerada beeshiisa uu madaxweyne Bixi waayi doono hadii xilka laga qaado.

Si Kastaba ha ahaatee, Wasiir Ciise Keyd ayaa haatan safar heer sare ah ku jooga dalka Taiwan, xili taageereeyaashiisu ay hoosta ka xariiqayaan in uu guulo waaweyn ka soo hooyay ictiraaf raadinta.

 

 

Comments are closed