|

Ma Jiraa Dariiqyo Lagu Xakamayn Karo Sicir Bararka Ka Taagan Suuqyada Somaliland? DAAWO

Hargaysa 23. June 2017 (SDN/QJ):- Dhawrkii Bilood ee u danbeeyay Waxaa Suuqyada Somaliland ka Taagnaa Sicir barar Xadhkaha goostay Kaas oo Saamayn Ku yeeshay nolosha Mujtamaca.

Sicir bararkan ayaa ka dhashay Hoos u dhac xoogan oo Ku yimid Shilling Somaliland Iyo Kor u Kac Weyn oo ku Yimid Qiimaha Lacagta Dollarka.

Go’aamo dhawr ah oo Ka soo Baxay Xukuumadda Somaliland Isla Markaana Loogu Talo galay in Lagu Xakameeyo Sicir bararkan ayaa Gebi ahaanba Fashilmay,Ilaa hadana Ma Jiro Wax qorshe ah oo Xukuumadu kaga falcelinayso Sicir bararkan Nolosha Bulshada Cidhiidhiga geliyey.

Wuxuu sicir bararkani si gaar ah u taabtay Shaqaalaha Dawlada ee Mushaharka ku qaata Shilling Somaliland iyo Dadka Danyarta ah.

 

Hadaba Weriye Nafiisa Maxamed Xuseen oo ah Suxufiyad wakhtigan ka hawlgasha Telefeshinka Saab Xaruntiisa Hareysa, ayaa Barnaamij gaar ah ka diyaarisay saamaynta Sicir-bararka iyo Qiimaha Sarrifka Doollarka ee halkii ugu sarraysay ee uu abid gaadho Somaliland ka gaadhay, isla markaana Halka Doollar lagu sarrifayo Sagaal Kun oo Lacagta Somaliland ah iyo dheeraad, waxa sababa iyo xalka loo baahan yahay.

Haddaba, Barnaamijkaas ay Suxufiyadda oo waraysanaysa Aqoonyahan aqoon u leh arrimaha dhaqaalaha, Sicir-bararka iyo waxa uu xalku noqonayo oo talo uu ka dhiibanayo, waxaannu isaga oo dhammaystiran Barnaamijkaas oo Magiciisu yahay; ‘Waynu Abuuri Karnaa Nolol’ idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

Comments are closed