|

Nuxurka Inqilaabka Lagu Dhuftay Dhaxalsugihii Boqortooyada Sucuudiga DAAWO

Riyadh 23. June 2017 (SDN/QJ):-Boqorka Dalka Sacuudiga ayaa isbadal weyn ku sameeyay qaabka dhaxalka Boqortooada dalkaasi, waxa uuna Wareegto uu soo saaray ku eryay amiir Maxamed Bin Nayef oo ahaa ninka iska lahaa dhaxalka Boqortooyada.

Boqor Salmaan Bin Cabdul Casiis, ayaa wareegto kasoo baxday xafiiskiisa darajada Dhaxalka Boqortooyada uga qaaday amiir Maxamed Bin Nayef, waxa uuna dhaxal sugaha cusub ee Boqortooyada ka dhigay wiilkiisa Maxamed Bin Salmaan oo 31 jir ah.

 

Dhaxal Sugihii hore ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa sidoo kale laga qaaday xilka Wasiirka Arimaha Guddaha uu hayay, isbadalka uu dhawaaqay Boqorka Sacuudiga ayaa si weyn looga hadal hayaa gudaha dalkaasi.

Wiilka uu dhalay Boqorka Sacuudiga ee hada laga dhigay Dhax sugaha ayaa sii heyn doona xilal uu horey u hayay ay ku jiraan Wasiirka Gaashaandhiga Sacuudiga iyo Ra’isul Wasaare kuxigeen.

Comments are closed