|

Maamulka Puntland Oo Ku Hanjabay Inuu Carqaladaynayo Qaadashada Kaadhka Cod-bixinta Oo Sool iyo Sanaag ee Maanta Ka Bilaabantay Iyo Dhawaqyo Lidi isku ah DAAWO

Garowe 12. August 2017 (SDN/QJ):-Maamul-goboleedka Puntland, ayaa ku hanjabay inaanay oggolaan doonin in Hal Sanduuq oo kuwa Kaadhadhka Codbixiyeyaasha iyo doorashooyinka Somaliland ah la geeyo gobollada Sool iyo Sanaag oo ay sheeganayso inuu Puntland yahay, waxaanu Maamulkaasi beeniyey inay wadahadal nabadgelyada Sanaaduuqda la xidhiidhaa dhex-maray dawladda Somaliland.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo Khamiistii hadal ka jeediyey Munaasibad loo sameeyey shaacinta Kaadh-qaadashada Sool iyo Sanaag oo Maanta ka bilaabmi doonta deegaannada labadaas gobol intooda badan, taasoo lagu qabtay magaalada Laascaanood dorraad, ayuu Wasiir Faratoon ka sheegay inay Puntland isku afgarteen inaanay carqaladayn hawsha Kaadh-qaadashada ee Bariga gobollada Sool iyo Sanaag oo 12-ka bisha Siddeedaad 2017-ka oo Maanta ku beegan ka bilaabmi doonto hawsha Qaybinta Kaadhadhka Codaynta doorashada Somaliland.

Wasiir Faratoon oo arrintaas ka hadlayaa waxa uu yidhi; “Puntland waxaannu u sheegaynaa, oo  aanu horena uga wada-hadalnay,  oo aannu si wanaagsana isula  af-garannay  dhawaan mar aannu  is-aragnay, in ay arrintaa ilaaliyaan, oo muddada aynu Kaadh-qaadashada ku jirno sidii hore u dhici jirtay aanay dhicin inay na carqaladeeyaan.”

“Waxa kale oo jira Kooxo fallaago ah, oo aynu ognahay in ay meelo degaammadeenna ka mid ah joogaan, gaar ahaanna dhinaca Bariga. Kuwaas fallaagada ahna waan u digaynaa, kama daba hadhi doonno, mana nabadgelin doonno, meel kasta oo ay galaanba waan kaga daba tegaynaa. Waxaanan uga digaynaa in ay arrinta Kaadh-qaadashada wax carqalad ah ku sameeyaan.” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland.

Hase-yeeshee, Wasiirka Warfaafinta Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Cabdi Xirsi Qarjab oo Shalay Warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulkaas, ayaa heshiiskaas meesha ka saaray, waxaanu yidhi; “Waxa ka soo baxay  Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ee yidhi waxaannu Puntland heshiis ku nahay in aanu Sanduuq keenno Sool iyo Sanaag, arrintaa wax ka jiraa ma jiraan, mana oggolin gobolka Sool inay Sanduuq keento Somaliland, Ummadda Soomaaliyeedna waxay in badan ku jireen burbur iyo dhib. Markaa, wixii halkaa Sanduuq keena wixii dhib ah masuuliyadeedda iyada qaadanaysaa.”

“Puntland Dhulka ay xukunto way difaacaysaa, Dadweynaha reer Puntland ee gobolka Sool iyo Sanaag joogga iyo Dadweynaha reer Puntland meelkasta oo ay joogaan, Puntland maanta carqalad ma rabto. Laakiin, wixii jiritaankooda iyo midnimadooda soo fara-geliya waa in loo diyaargaroobo waa in la iska difaaco oo dawladdunna way garab istaagaysaa.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta Maamul-goboleedka Puntland.

Hadalkan ayaa ku soo beegmay Xili uu Maanta ka bilaabmintay  gobollada Sool iyo Sanaag Hawsha qaadashada Kaadhadhka Cod-bixinta doorashooyinka Somaliland oo ay ugu soo horreyso doorashada Madaxtooyada oo u muddaysan 13-ka bisha 11-aad ee sannadkan 2017-ka haddii Eebbe Raalli ka noqdo.

Comments are closed