|

“Cidla Kama Sacabbo-tumanayee Cidda La Doortay Waa Sida Cadceedda, Baashe Hadduu 39 Cod haysto Muxuu La Aammusan Yahay, Muu Keeno…? Xildhibaan C.raxmaan Talyanle

Hargaysa 12. August 2017 (SDN/QJ):-Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Talyanle) oo tartankii ay isaga iyo Xildhibaan Baashe Maxamed Faarax ugu tartameen jagada Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Muran ka taagan yahay, Dacwadina Maxkamadda Sare ka taallo, ayaa Kursi-jacayl ku tilmaamay in Baashe oo aan weli Guddoomiyihii hore ee Golaahaas Cabdiraxmaan-Cirro xilka ku wareejin inuu fadhiisto Xafiiskaas oo uu sheegay inuu Jabsaday iyo inuu Safar ugu baxo gobollada Bariga, gaar ahaan Sool, sheegtana inuu yahay Guddoomiye, sida uu Talyanle hadalka u dhigay.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle oo shalay Waraysi siiyey Eryal TV isagoo ku sugan magaalada Hargeysa, ayaa ka hadlay Wasiirro Xukuumadda ka tirsan oo shaaciyey inay Xukuumaddu Baashe Guddoomiyaha Sharciga ah ee Golaha Wakiillada u aqoonsantay, Talyanlena u aragto Nin meel cidla ah ka sacabba-tumanaya. Hase-yeeshee, waxa uu sheegay inaanu garan karin sababta ay laba Xildhibaan Wasiirrada ay Gole ahaan ansixiyeen ugu kala eexanayaan ama ay colaad u dhex-dhigayaan laba Mudane oo isku gole ah, waxaanu tilmaamay inay Xukuumaddu faro-gelin qaawan ku hayso Golaha Wakiillada.

“Waxay yidhaahdeen Wasiirradu waxaannu ictiraafsannahay Baashe Maxamed Faarax, taa lafteeda arrin Golaha Wakiilladu leeyahay ayey faro-gelin qaawan Xukuumaddu ku samaynaysaa, waayo? Waxaannu nahay laba Waaxood oo kala madax-bannaan, markaa Wasiirrada hadlay Anigu dheg-ba uma jalaqsiiyo, sababtoo ah haddii Dhagax lagugu soo tuuro, ma Dhagaxa ayaad la hadashaa mise ciddii kugu soo tuurtay? Anigu kulligood ixtiraam baan u hayaa, Annaga oo Mudanayaashaa (Wasiirrada) aannu gacanta u taagnay ee aannu ansixinnay (magacaabistooda) inay haddana Golihii ansixiyey dib ugu soo noqdaan oo ay colaad horleh dhex-dhigaan laba Xildhibaan oo tartamay oo labaduba sugaya Shareecada iyo Cadaaladda Maxkamadda sare, ma garanayo waxa ku kellifaya (Wasiirrada) waxan.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle.

Talyanle oo la weydiiyey inuu ku qanci doono Maxkamadda go’aanka ay soo saarto haddii ay ka garnaqdo Dacwaddooda iyo haddiiba ay diiddo ama furi waydo dacwaddaas waxa u qorshaysan, waxa uu ku jawaabay; “Madax meel ka sarraysa oo la taabtaa ma jirto, arrintu mid siyaasi ah maaha ee waa arrin sharci, khiyaanaa dhacday, afduub baa dhacay, qadaf wayn oo nusqaan ku ah Jamhuuriyadda Somaliland ayaa dhacay, taa in la saxo majareheeda halloo daayo Sharciga. Anigu ka hor-dhici maayo Maxkamadda sare, Dacwadda waannu gaadhsiinnay, markaa waxaan rejaynayaa si sharciyadda iyo Dastuurka waafaqsan Anigoo ku kalsoon inay ka garniqi doonto Maxkamaddu. Maxkamaddu way ku khasban tahay inay ka garnaqdo arrintan, waayo? Khilaaf baa meesha yimi, Maxkamadahana waxa loo samaystay waxa weeye Garnaq Sharciga waafaqsan inay Dadka ugu garnaqaan.”

Mar uu Mudane Talyanle ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey in Xukuumaddu sheegtay inay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ee la doortay u aqoonsantay Baashe, isla markaana Talyanle ahaan loo arko inuu meel Cidla ah ka sacabba-tumayo oo uu Guddoomiye isu sheeganaya, siduu u arko arrimahaas, waxa uu yidhi; “Anigu waxaan u arkaa Baashe Maxamed Faarax Xildhibaan Golaha Wakiillada ka tirsan, Aniguna meel cidla ah ka sacabbo-tumi maayee, xaqiiqdii dhacday lixdii bishan Ogost 2017-ka Golaha Wakiillada ka dhacday iyada oo cad 39-kii Xildhibaan-ba waad daawan kartaan, dorraad (dorraad tii ka horreysay) Liiskii ay qoreen ee aan ka saxeexay waanigii Ummadda Somaliland u akhriyey, waana wax qoran. Laba 39-aad ma jiraan ee 39 keliya ayaa jira. 39-kii Xildhibaan (ee ii codeeyey) hadday saxeex tahay, hadday sawir tahay iyo hadday hadal tahay intaba waannu fulinnay, Ummadda Somaliland-na waannu horkeennay, Maxkamaddu hadday u baahataba 39-ka Xildhibaan iyagoo nool nool ha tirsato hana weydiiso cidda ay u codeeyeen.”

Sidoo kale, Cabdiraxmaan Talyanle oo ka hadlayey Safar uu Baashe Maxamed Faarax ku marayo deegaannada gobolka Sool oo uu maalmo ka hor u baxay, waxa uu yidhi; “Baashe inuu degdego maaha, Xafiis aan loo tirin, oo Guddoomiyihii hore aanu ku wareejin intuu jabsado inuu fadhiisto, Socdaallo dhaadheerna gobollada ku galaa-bixiyo isagoo sheeganaya Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, taas waxaan u arkaa Kursi-jacayl deg-deg ku jiro. Maanta waa biyo-kama-dhibcaan oo waa sida Cadceeddaa cidda la doortay ee 39-ka Xildhibaan u codeeyeen. Baashe hadduu 39 Cod haysto muu keeno, muxuu la aammusan yahay? Waxaan leeyahay hadalkii oo kooban sidaan u tahniyadeeyey Walaalkay ha ii tahniyadeeyo.”

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle oo la weydiiyey inuu wakhtigan u arko inuu ku degdegay tahaniyaddii uu markii natiijada doorashadii Isaga iyo Baashe Shir-guddoonku ku dhawaaqay ku deg-degay iyo in kale, waxa uu ku jawaabay; “Anigu marka horeba Kursi-jacayl isumaan sharrixin, ee waxaan filayey in layga guulaysto iyo inaan guulaysto labadaba, markii natiijada lagu dhawaaqay guddoon baa dhacay, Guddoomiye ayaa ku dhawaaqay, waanan tahniyadeeyey, laakiin isla halkii Golaha ayaa markiiba Anigoon ka dhaqaaqin ayaa waxa soo baxday ‘39-ka Cod’ Adigaa leha.”

Talyane waxa uu gebo-gabadii waraysigan Baaq u diray guud ahaan Bulshada Somaliland, waxaanu yidhi; “Doorashadaydu may ahayn gobolaysi, may ahayn mid Xisbi keliyi ii codeeyey, waxa ii codeeyey dhammaan Golaha Wakiillada Xubnohooda oo Kulmiye leh, oo Waddani leh oo kuwo Madax-bannaan oo aan labada Xisbi midna ku jirin leh. Maaddaama oo ay sidaa tahay waxaan jeclahay inaan Ummadda Somaliland u sheego inay nabaddooda ilaashadaan oo ay Saylac illaa Laasqoray Marti uga ahay inay is-dejiyaan oo aanay arrintayadani saamaynin oo aanay qas ku keenin, arrintanna Nahaayaddeedu waxa weeye mid sharci, Maxkamadda ayaanay taallaa, kana hor-dhici mayno.”

Comments are closed