Uncategorized

“Maanta oo ay taariikhdu tahay 01 June 2014,Waxaan Cadaynayaa inaan u taaganahay tartanka loo gelayo doorashada wakiilada”. Xuseen Xasan Bad-maax

baaaaaaaKu:Gudoomiyaha Xisbiga Ucid

Og:Musharaxa Madaxweyne-Ucid

Og:Gudida Fulinta

Og:Xoghayaha G/Dhexe

Og:Xoghayaha Guud

 

Ujeedo:OGEYSIIS

Mudanayaal waxa aan mar labaad idin ogaysiinayaa manta oo ay taariikhdu tahay 01 June 2014 inaan u taaganahay tartanka loo gelayo doorashada wakiilada,musharaxnimadayduna waxay ku salaysantahay aragtida hoos ku xariiqan:

Aniga oo raacaya xeerka iyo siyaasadda xisbiga ucid waxa lama huraan ah in wax laga bedelo qaabka iyo habka loo soo xulo musharaxiinta golaha wakiilada.Waxa hubaal ah inaynu waayo-aragnimo u yeelanay qaladaadka iyo kalsooni darrada ka dhashay xubnaha mar kasta xisbigu ku tix geliyo beelahu cida ay keenaan.Tan oo keentay inuu xisbigu maanta ka madhnaado golaha wakiilada marka laga reebo xildhibaan Qabile.

Xisbiga ucid waxa hor taal inuu wax badan ka qabto hab-beeleedka mar kasta curyaamina

ya kobcinta dimuqraadiyada.Sidaa darteed waxa haboon xisbigu inuu xulka sameeyo daraasad lagu kala saarayo musharaxiinta isu diyaarinaya inay ka mid noqdaan golaha wakiilada.Waxa loo baahan-yahay musharaxiintu inay mabda’ ahaan siyaasada xisbiga rumaysan-yihiin.

Waxa aan rumaysanahay inaan ka mid ahay raga xisbiga bud dhigga u ah ee ku shaqayn doona siyaasada xisbiga.

 

Allaa Mahad leh

Xuseen Xasan Badmaax

Xogh.xuquuqul insaanka

UCID

Hargeysa/JSL