|

63 Sanno ka Hor Iyo Khudbadii Taariikhda Gashay ee ”I Have A Dream” Xigmadii ay Xambaarsanayd ( DHAGAYSO IYADOO TURJUMAN) Kana DAAWO Qurbejoog

Washintong 28.Aug 2016 (SDN/QJ):- Tobanaan kun oo dad ah ayaa isugu soo baxay agaagaarka taalada lagu xasuusto madaxweynihii hore ee Maraykanka Abraham Lincoln oo ku taala magaalada Washington, halkaasoo ninka aadka looga qadariyo Maraykanka ee Martin Luther King uu ka jeediyey hadalkiisii dareenka lahaa ee “waxaan ku riyoonayaa” muddo haatan laga joogo 63 sano.
Bisha Ogos 28-keedii 1963 waxa ay ahayd boqolguuradii uu madaxweynihii Maraykanku Abraham Lincoln sharciyeeyay joojinta addoonsiga. Bannaanbax ballaadhan oo loo bixiyay Socodka Washington ee shaqada iyo xorriyadda oo maalintaa caasimadda lagu qabtay waxaa isugu yimid dad tiradooda lagu qaddaray 250 000 oo ruux. Fagaaraha la yidhaado Lincoln Memorial ayuu Martin Luther ka jeediyay khudbad qaayo leh oo dayaankeedu weli dhegaha ka sii yeedhayo. Khudbaddaas oo loo yaqaan I Have a Dream – Waxaan lee yahay riyo – waxa uu ku guntay wacad ah in aan halganka xuquuqda madowgu dib u noqosho lahayn. Waxa uu kale oo hadalkaa ku saadaaliyay in ay iman doonto dharaar dalkiisa loogu wada noolaan doono sinnaan iyo xaqsoor, iyada oo aan qofka lagu takoorin midabkiisa iyo diintiisa.
Khudbadan waxa uu Martin Luther King ku saadaalinayay inuu Leeyahay Riyo ku Aadan in dadka Madow ee Maraykanka ahi ay heli doonaan dhamaanba Xuqaaqda ka aasaasiga ah ee dadka Cad,inuu leeyahay Riyo ku wajahan in Maraykan isku Xuquuq Siman noqon doono in dadka Madobi ay heli doonaan Shaqooyin in Midab kala soocu hadhi doono.
Khudbadan oo Dayankeedu uu Weli ka sii Yeedhayo Mujtamaca Caalamka ayaanu Shabakada Qurbejoog.com idiinku soo Tebinaynaa iyadoo Dhagaysi ah,Waxaan u Mahadcelinayaaa Ibraahin Yuusuf Axmed ”Hawd” oo Turjumadaa sameeyay.

GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO KHUDBADAAS

Comments are closed