|

Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargaysa oo Heshiis Dhaqaale Buurani Ku Baxayo la Galay Shirkad Ku Guulaysatay Biyo Qaybinta Hargaysa

Addis Ababa 06.Sep 2016 (SDN/QJ):- Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa  Ibraahim Siyaad Yoonis oo uu wehelinayo Wasiirka Beeraha Somaliland Prof. Maxamed Daahir, ayaa heshiis la saxeexday shirkad laga leeyahay dalka Jarmalka oo ku guulaysatey inay diyaariso nashqadda mashruuca biyo-qeybinta caasimadda.

 

Wakaaladda-BiyahaMunaasibadda saxeexa heshiiska oo ka dhacday magaalada Addis Ababa ee xarunta waddanka Itoobiya shalay, waxa kaloo goob-joog ka ahaa Ku-xigeenka Wakiilka Somaliland ee Ethiopia, Madaxa Shirkadda CES – Germany Mr. Gert Racherbaumer, iyo masuuliyiin ka kala socday shirkadaha CES iyo MSC oo wada-shaqayn la leh shirkadda Jarmalka ah ee ku guulaystay qandaraaska naqshaqaynta mashruuca biyo-qaybinta caasimadda Hargeysa oo dhowaan la bilaabi doono,

Heshiiska ay kala saxeexdeen shirkadda CES – Germany iyo maamulka Wakaaladda Biyaha Hargeysa, waxa sidoo kale qeyb ka ah saxeexa mashruucan Wasiirka Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland  Maxamed Daahir oo masuul ka noqon doona ilaalinta tayada hawsha labada dhinac wadaagayaan.

 

“Waxaanu maanta [shalay] aniga iyo Wasiirka Beeraha Somaliland heshiis kula saxeexaney magaalada Addis Ababa ee Ethiopia shirkadda Jarmalka ah ee CES oo hore ugu guulaysatey inay diyaariso nashqadda mashruuca biyo-qeybinta caasimadda Somaliland, waxaanan Ilaahay ka baryaynaa in uu innagu guuleyo dhameystirka Hawsha.” Sidaa waxa lagu sheegay qoraal uu Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Mr. Ibraahim Siyaad Yoonis oo ku sugan magaalada Addis Ababa ku baahiyey barta uu ku leeyahay mareegta internetka ee Facebook shalay.

 

Sidoo kale, Maareeye Siyaad waxa uu intaa ku daray, “Wasaaradda Beeraha Somaliland ayaa hadhow ilaalinaysa tayada shaqada marka mashruucan la bilaabo.

 

Ugu dembeyn, waxa heshiiskan si wadajir ah u wada saxeexay Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa, Ibraahim Siyaad Yoonis, Wasaaradda Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Madaxa Shirkadda CES Germany Gert Racherbaumer oo ay wehelinayaan madax kale oo uu ka mid yahay Mawliid, hawshaasina guul ayey ku soo dhammaatay, waxaanan rajaynayaa inuu si dhaqso ah u bilaabmi doono mashruucan,” ayuu qoraalkiisa ku yidhi Maareeyuhu.

Comments are closed