|

Qarax Goor Dhawayd Ka Dhacay Magaalada Muqdisho Iyo Muuqaaladii u Horeeyay ee soo Baxa DAAWO

Muqdisho 05.Sep 2016 (SDN/QJ):- Qarax Xoogan ayaa waxa uu ka dhacay  goor dhaweyd Wadada Maka Al Mukarama Ee Magaalada Muqdisho.

Gaari nuuca Raaxada ah oo yaallay Hoteelka Maka Al Mukarama Hortiisa ayaana mar keliya qarxay waxaana halkaasi ku dhawacmay Labo qof oo mid ahaa qof ku dhex jiray Baabuurkaasi kan kalena uu ahaa Darawal Mooto Bajaaj watay.

Ninkii gaariga ku dhex jiray oo dhaawac ah ayaa loola cararay Cusbitaalka sida dad goob joogayaal ah ay inoo xaqiijiyeen goor dhaweyd.

Ilaa hadda lama oga gaariga la qarxiyey Cida saarneyd iyadoo loo maleenayo in la beegsaday qof Xil haya.

Comments are closed