|

Maayarka Caasimadda Somaliland ee Hargaysa oo Laanta Denbi Baadhista ee Boolisku u Yeedhay Kadib Markii Lagu eedeeyay inuu Faragelin ku Sameeyay Goobo Codbixineed Maalintii Shalay!!

Hargaysa 14 November  2017 (SDN/QJ):-Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in ciidamada dambi baadhista ee C.I.D-du u yeedheen maayirka magaalada Hargeysa.

Maayir Cabdiraxmaan Soltelco ayaa la sheegayaa in lagu haysto faro gelin uu shalay isku deyey inuu ku sameeyo goob doorasho ku taala xaafadda Cabaaye ee magaalada Hargeysa.

Maayirka ayaa la sheegay in uu watay ciidamo aad u tiro badan markii uu goobtaasi gaadhey, waxaana isku dhacay dadkii goobtaasi ka codaynaayey .

Waxaana wararku intaasi ku darayaan in maayirka looga yeedhay xarunta C.I.D-da , isaga oo markii dambe ku andacooday inuu hawlo badan hayo oo aanu haleel hayn.

Ciidamadda ayaa ku haysta maayirka magaaalada Hargeysa inuu faro gelin ku sameeyey goobtaasi codbixintu ay ka dhacaysay, waxaanu maayirku ciidamada u sheegay in uu maalinta berry ah tegi doono xarunta C.I.D-da.

Comments are closed