|

Madax-dhaqameedka Gobolka Saaxil Oo Gaashaanka Ku Dhuftay Shir Siyaasiyiin Mucaarid Ahi Abaabulayaan

Hargaysa 11.Aug 2016 (SDN/QJ):- Xubno isugu jiray  salaadiinta,  cuqaasha,  waxgaradka iyo odayaasha  beesha gobolka Saaxil   ayaa  si cad u qaadacay isla markaana  iftiimiyay  sida ay  uga  soo hor jeestay  shirka beryahanba aadka  loo hadal hayay ee  la sheegay in beeshaasi ay ku  qabsanayso degaanka Baxarasaafka  oo ka tirsan degmadda Laalays.

 

Waxaanay sheegeen cuqaasha iyo salaadiinta beesha  Saaxil, in shirkaasi ay dabadda ka riixayaan xubno siyaasiyiin mucaarid ah  oo ay ku tilmaameen oo kasban kari waayeen  bulshadda gobolka Saaxil.

 

Madax-dhaqameedkan ka soo jeedda gobolka Saaxil,  oo  shalay  shir jaraa’id ku qabtay  hudheelka  Gollis ee magaaladda Hargaysa  waxay  sheegeen in  shirka Baxarasaafka lagu qabanayo ee la is-la dhex-marayay uu   yahay mid aanay waxba ka jirin, isla markaana aanay beeshu isku raacsanayn in la qabto.

 

Suldaanka    Cismaan Sheekh Ibraahim Aw Maxamed,  oo halkaasi ka hadlay  ayaa sheegay in aanu jirin shir  ay beesha Ciise Muuse isku raac santahay  ama ay   u balantay oo la is-la og yahay in la qabto wakhtigan.

 

Waxaanu  yidhi  “Waxaan  iftiiminayaa,  oo  aan ummadda Somaliland  iyo beesha Ciise Muuse u sheegayaa  in aanu jirin shir la isku raacsan yahay oo beeshu u balantay.  Shirkaasina waa   mid aanay wax ba ka jirin,  waxaana wata   koox dan siyaasadeed leh,  oo dadka kicinaya,  oo waayay dariiq  ay siyaasadooda u maraan,  ayaa dadka beer la-xawsi  ku wada.

 

Waxaan  leeyahay  cuqaashii beesha metelayay  ee shirka beeshu ka go’ayay halkan ayay fadhiyaan,  oo gudigii  DAN  iyo DUCO  ka mid tahay.  Cida  waxan wadaana waxa weeyi  siyaasiyiin tirro yar,  oo mucaarid ah,  oo reerka kas-ban kari waayay, oo  doonaya in ay  dadka ku kiciyaan  shirkii beesha ayaa la diiday, .shir naloo diidan yahay”.

Wuxuu sheegay suldaan Cismaan, in aanu jirin shir loo diiday in ay qabsato beesha Saaxil, sidoo kale-na aanu jirin shir ay beesha Ciise Muuse iclaamisay.   “Ma  jiro,  mid la iclaamiyayna ma jiro,  oo loo balamay.  Haddii  aanu u aragno  in aanu  shir qabsanona,  anaga ayaa iclaaminayna xiliga la shirayo,  waxaana u igmanay oo nooga  wakil ah  oo ku  dhawaaqi kara gudiga DAN iyo DUCO  oo lagu soo doortay shirkii Dubur,   oo xilkii  haysa”ayuu yidhi suldaan Cismaan Sheekh Ibraahim.

Suldaan Xasan Maxamed Axmed, oo isna shirkaasi jaraa’id ka hadlay   waxa uu sheegay in ka salaadiin ahaan aanay  isku raacsanayn shirka  la sheegay in lagu qabanayo  degaanka Baxarasaafka.

Waxaanu yidhi “Anagoo ah  salaadiintii beesha,  waxaanu  isku raac sanahay in aanu shirka Baxarasaafku maanta  haboonayn,   cida shirkaa qabataana waa cid danbiile  ah. Waxaan  la isku ogaynina waa khalad,  ninka gudiga DAN iyo DUCO  kii diidanoow la kaalay shir caafimaad qaba oo lagaga hadlo waxaa  laga cabanayo”.

Sidoo kale suldaan Aadan Cawil Cilmi,  oo isna halkaasi ka hadlay  waxa uu tilmaamay in aanay haboonayn in wakhti xaadir kan la qabto  shir ay yeeshaan beesha Ciise Muuse. Waxaana  uu yidhi “Waxaan Ayidayaa,    oo aan taageer sanahay cuqaasha dhaqanka beesha  ee  ku dhawaaqday in wakhtigan aanay haboonayn in shir beesha  ah la qabto. Marka  reerku u baahdana waa laga tashan doonaa,  oo waa la iska arki xiligeeda hala gaadho,  shir dhaqan uma baahnin ayay yidhaah deen cuqaasha beeshu”.

Waxa   kale oo Chief   caaqil   Axmed Caaqil Yare,  oo  ka mid ahaa xubnihii halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay  in  qabashada shirka beesha Saaxil ay mudayn  karaan oo keliya  cuqaasha beesha Ciise Muuse, balse aanay jirin cid kale oo awood u leh iclaamintiisa.

Axmed caaqil Yare, oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa  uu yidhi  “Waxaanu  ka hadlaynaa   shirka  beesha Saaxil,   ee la sheegayo in lagu qabanayo  degaanka Baxarasaafka,  ee wax ba ka socon waayeen, ee dadka  lagu walaaqayo.   Waxaana  qabashada shirka  beesha xaq u leh   madax  dhaxaqameedka  beeesha,   oo leh ajandaha shirka beesha.

Reer-na  marka uu shir qabsanayo waa la isugu yeedhaa,  oo marka la isku yimaado ayaa la yidhaahdaa shir ma  u baahanahay?  haa marka ay noqoto,  halkee ayaynu ka dhignaa ayaa la yidhaahdaa,  meel heblaayo ayaana  la yidhaahdaa.

Horta  shirkan,  dhalinyaradan huteelada kaga dhawaaqayaan xaq  ma  u leeyihiin suuldaankuna waxa  uu xaq u leeyahay waxa beeshu ka shirto,  ee isku raacdo in uu goddoomiyo.  Salaadiintu-na  gudoonka ayay  leeyihiin. Laakiin   qabaa’ilka shirarkooda ma laha iyo in ay iskaga dhawaaqaan shir  aan la isku af-garan.

 

Waxa  kale oo aan xaq u lahayn in xildhibaanada siyaasada loo doortay  ku dhawaaqaan shirka reerka.  Goorma  ayaa loo doortay  shirka reerka. Waxaanu  leenahay Ciise Muuse shirkaa uma baahna,   marka uu u baahdo wuu ka tashan doonaa,  waanu  qabsan doonaa”.

Sidoo kale waxaa isna halkaasi hadal ak jeediyy caaqil  Xasan Shaqale Maxamuud,  waxaanu  tilmaamay in cuqaasha beesha  Saaxil aanay  waxba kala socon shirka la is-la dhex-marayay  ee la sheegay in lagu qabanayo degaanka  Baxarasaafka.

“Haddii aanu nahay waxgaradkii iyo salaadiintii beesha Ciise Muuse,  waxa  aanu isla garanay in aanaan shirkaa Baxarasaafka waxba kala socon.  Arrinkiisana  aanaan ogayn,  haddii aanu nahay golihii dhaqanka ee beesha anagaa xaq u leh qabashada  shirka beesha Ciise Muuse  oo isku  dhan.Reer-kuna guddi ayuu doortay oo cuqaasha beeshu  Ayiday,  oo la soo doortay  ayaa jirta oo shir beeshu u dhan  tahay lagu soo doortay. Nin   aan  loo dhiibin  arrin reer  oo aan war u hayn halka uu arrinka reerku   marayo in uu  yidhaahdo shir baan idiin qabanayaa, Ciise  Muuse ma qabato.

Waxaanu  si wada jir ah  u qaadacaynaa haddii aanu nahay cuqaashii  beesha Ciise Muuse  in aanu shirkaasu  ahayn shir  ka  yimid  gudigii   haysay talada  beesha, DAN iyo  DUCO  iyo cuqaasha  beesha” ayuu yidhi  caaqil Xasan Shaqale.

Sidoo kale waxa isna halkaasi ka hadlay Caaqil Cumar Ibraahim Maxamuud, isagoo   carabka  ku adkeeyay in aanay waxba ka jirin shirka  la sheegay in beeshu ku ay ku qabsanayso degaanka Baxarasaafka.

Waxaanu yidhi  “Shirka  Baxarasaafka,  waa mid aanay waxba ka jirin.   Cidii  shir  cuqaashu aanay  ogayn ku dhawaaqda-na  xukuumadda waxaan ka  cod sanaynaa in ay u aqoonsato cid rebshad wadda”.

Si kastaba ha ahaatee, dhawaaqan  ka soo yeedhay madaxyo-waaweynta dhaqanka ee beesha Saaxil, ayaa soo af-jaraya  hadal haynta shir  mudooyinkan-ba la is-la dhex marayay, isla markaana  buuq iyo mudaharaadyo ka dhex abuuray siyaasiyiinta iyo bulshadda gobolkaasi.

Shirkaasi oo  la sheegay in beeshaasi ay ku qabsanayso degaanka Baxarasaafka oo ka tirsan gobolka Saaxil, hase yeeshee   go’aanka ay sida isku midka ah salaadiintani u bayaamiyeen ayaa meesha ka saaraya dhamaanba arrimahaasi.

Comments are closed