|

Madaxdweynihii Hore ee Maamulka Puntland Cabdiraxmaan Faroole oo Ka Hadlay Dagaalka Gaalkacyo Isagoo Talo U Soo Jeediyay Puntland iyo GalMudug DAAWO

FartaGaroowe,30Nov,2015(QJ/SDN)-Madaxwaynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magalada Garoowe ee Caasimada ayaa sheegay dowladda iyo maamulada dalka oo kaliya inuusan xil ka saarnayn xalinta mushkiladaha dalka ka dhaca oo ay waajib tahay siyaasiyiinta dalka inay qaybtooda ka qaatan.

Madaxeyne Faroole oo shirkiisa jaraa’id kaga hadlay xaalada Gaalkacyo ayaa ku baaqay in heshiis laga gaaro dagaaladii magalada ka dhacay, maadama ay magalada ku sugan yihiin madaxda DFS iyo kuwa mamulada dalka ayna muhiim tahay in laga hortago dagaalo sokeeyo sida kii dalka ka dhacay 1991.

Madaxweynihii hore ee Puntland Dr. Cabdiraxmaan Farole ayaa sheegay Puntland iyo Galmudug inay markii hore maareyn kareen dagaalka Gaalkacyo ka dhacday kaasoo sababay dhimasho, dhaawac iyo barakac, wuxuu ku baaqay in nabadda laga shaqeeyo oo laga fogooda in dagaalku saameeyo magaalooyinka kale ee dalka.

Halkan Hoose Ka Daawo Faroole Oo Maanta Shir Jaraa’id Ku Qabtay Magaalada Garoowe:

Comments are closed