|

Madaxweynaha AlJeeriya Cabdicasiis Butafliiqa oo Xilkii ka Xayuubiyey Raysal Wasaarihiisii

AlJeriya 18. August 2017 (SDN/QJ):- Wakaalada wararka ee Dalka Aljeeriya ayaa baahisay in madaxweyne Cabdicasiis Butafliiqa uu xilkii ka qaaday raysalwaaarihii dalka Cabdilmajiid Tabbuun.

Wakaalada oo soo xiganaysay Wareegto ka soo baxday Madaxtooyada dalkaasi ayaa waxa ay sheegtay In Madaxweynuhu Raysalwasaare u magacaabay Axmed Aw-yaxya oo hore Raysalwasaare uga ahaan jiray wadanka.

Raysalwasaaraha xilka laga qaaday oo jagadaa hayey tan iyo bishii May ee Sanadkan ayaa xiligan ka soo noqday fasaxuu ku tegay wadanka faransiiska, iyadoo kulan aan rasmi ahayn oo uu la yeeshay madaxweynaha faransiiskuna muran weyn ka dhaliyey gudaha dalka Aljeeriya.

Comments are closed