|

Madaxweynaha Koonfurta Kuuriya oo Cadeeyay inaanu Dagaal ka dhacayn Gacanka Kuuriya

Seoul 18. August 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Jim Moon oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Seoul ayaa mar kale ku dhawaaqay in aanu dagaal ka dhacaynin gacanka Kuuriya, isla markaana uu dadaal ugu jiro sidii xaalada loo dejin lahaa.

Madaxweynahu waxa uu ka hadlay in ay Maraykanka ka wada hadleen oo ku heeshiiyeen in ciidanka Maraykanku aanay weerarin dalka Kuuriyada Waqooyi illaa ay ogolaansho ka hesho dalkiisa.

 

Mr Jim moon waxa uu sheegay in hadalada qallafsan ee Madaxwetynaha Maraykanku ay yihiin kuwo Kuuriyada Waqooyi u soo jiidaya dhanka nabada iyo wadahadalada iyadoo loo muujinayo in dagaal dhaca aanay cidina ku faa’iidayn oo uu gacanka Kuuriyana ku baaba’ayo.

Dhankiisana Madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa sheegay in uu hakinayo qorshihii milateri ee gantaalaha lagu ridi lahaa Jasiirada GUAM ee Dalka Maraykanka, isla markaana lala soconayo dhaqdhaqaaqa Maraykanka ee Gobolka.

Comments are closed