|

Madaxweynaha Cusub Ee Maraykanka Mr Donald Trump Oo Rag Cunsuriyiin Ah U Xushay Inay Xilal Sare Ka Qabtaan Xukuumadiisa

Washington  21. November 2016 (SDN/QJ):- Madaxweyne la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa magacaabay saddex xil oo muhiim ah oo ka mid noqon doona maamulkiisa cusub.

sessions-1479502311-740x4001Trump ayaa wararku waxa ay sheegayaan inuu senator-ka Jamhuuriga ah ee gobolka Alabama, Jeff Sessions u magacaabay inuu noqodo Xeer Ilaaliyaga guud ee Qaranka Mareyanka.

 

Trump ayaa sidoo kale Mike Pompeo u magacaabay inuu noqdo agaasimaha guud ee hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA-da, halka General Mike Flynn uu u magacaabay la-taliyaha amniga qaranka.

 

Trump si rasmi ah ugumu dhowaaqin magacaabista uu sameeyey, hase yeeshee ilo-wareedyo dhowr ah iyo warabaahinta Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday

 

Flynn uma baahnaan doono in aqalka senate-ka Mareykanka uu ansixiyo magacaabistiisa, hase yeeshee Jeff Sessions ayaa wajahaya su’aalo adag oo kaga iman doona senator-ada, ayada oo lagu eedeynayo inuu hadda ka hor sheegay erayo cunsurinimo ah.

 

Waxaa markale xiisadi ka dhalatay ragga lagu wado Madaxweynaha cusub ee Maraykanka Donald Trump inuu u magacaabo xilalka muhiimka ah ee Xeer illaaliyaha guud iyo Lataliyaha dhanka amniga.

Comments are closed