|

Madaxweynaha Dawlada Federaalka Somalia Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo Markii u Horaysay Masaafo dheer oo dhulka ah Isaga Gudbay,Dareenada Ku Meersan Iyo Waxay Ishiisu Qabatay !! WARBIXIN

Qardho 10. January 2018 (SDN/QJ):-Markii ugu horeysay, tan iyo markii loo doortay xilka madaxweynaha, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayay maraysaa leyrta ama hanfida dhulka baaxadda leh ee Soomaaliya.

Wuxuu marayaa dhulka qarfaha iyo buuraha ah ee caanka ku ah beeyada iyo xijiga ee Bari, dhul geedka uu aad ugu yaryahay balse lagu sheegay kaydka kheyraadka dabiiciga ah oo aanan wali lasoo faganin.

Waxa ay ishiisu qabanaysaa kadin geel ah oo marka uu daaqsimayo dhulka foorarsanaya halkii uu geedaha laaci lahaa, balse waa dooxada Nuugaaleed halka uu dabcan ku arki karay faraca yar ee wali ka dambeeya gaadiidkii bari Soomaalida agtooda dahabka ka ahaa, kaas oo ah fardaha oo qaar yar oo ka mid ah wali kusii harsanyihiin gobolkaas.

Xaalado ammaan dartood ayaanan madaxweynaha u suurtogalinin in uu socdaal xagga dhulka ku tago magaalooyinka dalka marka laga reebo Afgooye oo caasimadda u jirta 30km oo kaliya.

Madaxweynaha ayaa saakay socdaal dhulka ka bilaabay magaalada Garoowe, isaga oo ku safray laamiga dheer ee isku xira Garoowe iyo magaalada Qardho, halkaas oo meel 10km u jirta lagu soo dhaweeyay fardo shaaximan, iyo caleemo qoyan.

Safarka madaxweynaha waxaa ku wehliyay madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, waxayna si wadajir u dhax dhigeen mashruuca dhismaha waddada magaalada Dangoroyo iyo Eyl.

Waddada uu madaxweynaha ku safray waxa ay ka mid tahay kaabayaasha dhaqaale ee fara ku tiriska ah ee dalka wali kasii jira, taas oo la dhisay 40 sano ka hor, wixii ka dambeeyayna ay aad u yaraayeen mashaariicda dalka lagu soo kordhiyay.

Madaxweynaha waxa uu u kuurgalayaa xaaladaha nololeed, iyo baahiyaha ay qabaan shacabka ku nool gobollada maamul Puntland, wuxuuna kulamo la yeeshey qeybaha kala duwan ee bulshada oo ay ugu horeeyaan odayaasha dhaqanka.

Booqashadan ayaa kaga duwan kuwii uu ku tagay meelaha kale ee dalka sida uu shacabka u dhexgalay, iyo kulamada gaar ah ee uu la yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada Puntland, gaar ahaan odayaasha dhaqanka.

War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa lagu yiri “Dowladnimada aan dooneyno ayaa ah mid ay saldhig u tahay taageerada shacabka, maantana waxaa caddeyn muuqata u ah sida shacabka Puntland ay uga wada qeyb qaateen dhismaha garoonkan, ganacsatada, salaadiinta, culumada iyo dhammaan qeybaha bulshada, waana taageerada lagama maarmaanka u ah dowladnimada.”.

Kulan wayn oo madaxweyne Farmaajo uu ardayda jaamacadaha kula yeeshay magaalada Garowe ayuu kaga sheekeeyey caqabadaha ka heysta dowladnimada, isaga oo tusaale usoo qaatay in dowladnimada Soomaaliya ay tahay sidii nin sameeyay ciyaarta darbi-saarka, oo madaxa uu hoos usoo fooraro, lugihiina ay kor jiraan.

Garoowe iyo Qardho waxa ay isu jiraan qiyaastii illaa 240km , waana masaafo aad u dheer marka baabuur lagu marayo, gaar ahaan marka maanka lagu hayo xaaladaha ammaanka ee dalka.

Markii uu maanta tagay magaalada Qardho, madaxweynaha waxaa la guddoonsiiyay Faras iyo go’ shaal ah oo uu goobta ku bixiyay boqorka beelaha Daarood Boqor Burhaan.

Inkasta oo Puntland ay muddo dheer ku naaloonaysay amni, ayaa sanadihii dhawaa waxaa soo kordhay kooxo la sheegay in ay tirsanyihiin Alshabaab iyo ururka isku magacaabay Khilaafada Islaamka oo fariisimo ka samaystay buuraha bari ee Galgala.

Madaxweynaha waxaa la filayaa in uu Boosaaso gaaro, wuxuuna sii mari doonaa buuraha Galgala, waxaase la socda ciidammo uu Muqdisho kala tagay iyo kuwa Puntland.

Garoowe iyo Boosaaso waxa ay isu jiraan qiyaastii masaafo dhan 440km, taas oo ka dhigaysa in madaxweynaha uu dhulka ku safray masaafadii ugu dheereed ee dhanka dhulka ah, tan iyo markii uu xilka qabtay oo laga joogo ku dhowaad sannad.

Safarka madaxweynaha oo ah kii ugu horeeyay oo uu Puntland ku tago ayaa dowladda federaalka uga dhigan mid ay dhalka oo dhan ku gaarsiineyso xukunkeeda.

Xukuumadda jamhuuriyadda Somaliland ayaa madaxweynaha iyo dowladda federaalka ku eedeeyay in ay xasilooni darro ka abuureyso dhulkeeda, waxaana jirtay in xasarado ay ka dhaceen deegaanka Tuka-raq oo Garoowe u jirta 60km xilli uu Farmaajo ku sugnaa caasimadda Puntland ee Garowe.

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa isaga dhankiisa ku eedeeyay in Somaliland ay kusoo gardarootay dhulka Puntland.

Balse guddoomiyaha baarlamaanka Somaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa ka jawaabay eedeymaha Gaas, wuxuuna sheegay in meesha ay ciidammada Somaliland tageen ay tahay dhulka Somaliland.

Comments are closed