|

Madaxweynaha Galmudug oo Sheegay in Dawladda Soomaaliya Saacado badan Ku Xannibtay Madaarka Hargeysa DAAWO

Cadaado 25. September 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Maamul-goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), ayaa sheegay in Sheegay inay dawladda Federaalka Soomaaliya muddo shan saacadood ku siman ku xannibtay Axaddii shalay Garoonka Diyaaradaha Cigaal ee Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland Kadib markuu ka Yimid Dalka Imaaraadka.

Madaxweyne Xaaf oo gelinkii dambe ee Shalay gaadhay magaalada Cadaado oo ah Xarunta Ku-meel-gaadhka ah ee Maamulka Galmudug ee dalka Soomaaliya, si diirran loogu soo dhaweeyey, ayaa isaga oo wejigiisa cadho laga dheehan karo, waxa uu sheegay inay dawladda Federaalka Soomaaliya Dagaal Ciddiyo-ku-dagaallan uu ugu yeedhay kula jirto Maamulka Dawlad-goboleedka Galmudug iyo Dadkeeda.

Waxa uu Madaxweyne Xaaf Dadka Reer Galmudug ugu baaqay iska jiraan dawladda Federaalka ah iyo Cidda ay u soo diri doonto oo uu Masaabbiir ku tilmaamay. Waxa uu ku dooday in Diyaaraddii uu kiraystay ee geyn lahayd Cadaado marka ay Hargeysa ka qaaddo Dawladda Federaalka Soomaaliya si badheedh ah u xannibtay, isla markaana muddo saacado ah gorgortan laga galay arrintiisa.

Madaxweynaha Galmudug, ayaa Diyaarad uu ka soo raacay magaalada Dubai ee Dalka Imaaraadka Carabta  ku yimi Madaarka Hargeysa, ka dib markii Safar dhawr iyo labaatan maalmood qaatay uu isugu maray Muqdisho, Nairobi, Jabuuti iyo Imaaraadka oo uu ka soo duulay.

Comments are closed