|

Xukuumadda Somaliland oo Jawaab Cad ka Bixisay Hadal ka soo Yeedhay Madaxweynaha Maamul Goboleedka Gal Mudug oo Shalay lagu Xayiray Madaarka Hargaysa DAAWO

Hargaysa 25. September 2017 (SDN/QJ):-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda duulista hawada Somaliland Cumar C/llaahi Aadan ayaa si kulul u beeniyey hadal shalay ka soo yeeray Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo dowlada Somalia ku eedeeyey iney muddo shan saacadood ah ku xayirtay garoonka dayuuradaha Hargeysa.

Cumar C/llaahi Aadan ayaa hadalkaas ku tilmaamay mid la been abuuray oo aaney waxba ka jirin, wuxuuna xusay in xayiraada la saarey Madaxweyne Xaaf ay ka dambeysay Somaliland balse aaney shuqul ku laheyn dowlada federaalka Somalia.
“Waxaan rabaa inaan saxaafada u cadeeyo hadal ka soo yeeray nin yiri waxaan ahay madaxweynaha Galmudug oo shalay sheegay in lagu xayiray garoonka Hargeysa isagoo arintaasna ku eedeeyey dowlada federaalka Spmalia iney ka dambeyso, arintaas waa been aan sal iyo raad toona laheyn, dowlada Somalia kama taliso Somaliand, labo dowladood oo 27 sano kala maqan baynu nahay” ayuu yiri Cumar C/llaahi Aadan.

Agaasimaha ayaa sheegay in amar ay bixisay dowlada Somalia uusan ka shaqeyneynin degaanada Somaliland, kana shaqeyn doonin, wuxuuna xusay in hadalka uu xaaf jeediyey uu ka lahaa dano siyaasadeed oo isaga u gooni ah balse uusan aheyn mid xaqiiqda ku fadhiya.

“Ninkan wuxuu ka yimid Dubai, garoonka Hargeysa ayuu Transit ku ahaa, inuu yahay nin madaxweyne sheegta mar dambe ayaanu ogaanay cid ogeydba may jirin, xeerka transitka ayaanu marinay, meesha loogu talo galay dadka transitka ah ayaanuna fariisinay, ka dib waxaa dhacday in hawada Somaliland ay si sharci daro ah u soo gashay dayuurad aan fasax ka heysan Somaliland, taasoo markii hore ka dagtay Buuhoodle ka dibna timid garoonka Hargeysa, waxayna aheyd dayuurad marar badan fasax la’aan soo gashay hawadeena, waanuna raadinaynay, markii aan ku qabanay garoonka Hargeysa waxaan la xiriirnay shirkadii laheyd qoraalaa laga saxiixayey arintaas baa waxay qaadatay shan saacadood ka dibna waanu fasaxnay, sidaas ayeyna ninkaa Madaxweynaha sheegta ku sii qaaday” ayuu yiri agaasimaha Wasaarada Duulista hawada Somaliland.

Waxaa uu intaas ku daray in Somaliland aysan shuqul ku laheyn muranada iyo isqabqabsiga ka dhexeeya dowlada Somalia iyo maamulada hoos-taga ayna u aragto Soomaaliya dal deris ah oo walaalnimo ay ka dhexeyso.

Comments are closed